Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin u gaar ah filimka caanka ah Khushi laguna xasuusan doono bandhigii Kareena iyo Fardeen

Xaqiiqooyin u gaar ah filimka caanka ah Khushi laguna xasuusan doono bandhigii Kareena iyo Fardeen

15-sano ka hor ayaa la daawaday filimka Khushi balse waxaa la moodaa filim marwalbo nagu cusub daawashadiisa madaama uu aad u wacan yahay.

Khushi ganacsi ahaan waa filim guul dareestay balse sheeko ahaan aad looga helay, muusigadiisa iyo bandhiga ay sameeyeen hogaamiyaasha filimkaan Fardeen Khan iyo Kareena Kapoor.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin kooban oo u gaar ah filimka Khushi, fadlan hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Abhishek Bachchan ayaa filimkaan markii hore saxiixday balse xili dambe ayuu isaga baxay waxaana lagu badalay Fardeen Khan.

Xaqiiqada 2-aad: Khushi sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil-ka ah Kushi (2000) oo ay wada jileen Vijay iyo Jyothika.

Xaqiiqada 3-aad: Album-ka heesaha filimka Khushi waxaa ku jiraan 6-heesood oo caan noqdeen weliba labada jees Hai Re Hai Re iyo “Jiya Main Jiya” mudo dheer ayay hogaanka u hayeen todobaad walbo heesaha ugu wanaagsan sanadii 2003.

Xaqiiqada 4-aad: Shabakada Boxoffice India ayaa xaqiijisay in Album-ka filimka Khushi uu siweyn u hirgalay madaama 1-milyan iyo 200,000 oo cajal Copy ah laga iibsaday wuxuuna noqday Album-ka 10-aad ee sanadii 2003 Bollywood-ka loogu iibsashada badnaa.

Fadlan hoos ka daawo heesaha filimka Khushi ee aadka loo jecel yahay:

Hai Re Hai Re:

Jiya Main Jiya:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *