Director: Prakash Jai

Soo saare: Veeru Devgan iyo Veena Devgan

Jilaayaasha: Ajay Devgn, Mahima Chaudhry, Kajol iyo Chandrachur Singh.

Natiijadiisa: Flop

Waqtiga la daawaday: 24 Sep 1999.

Xaqiiqada 1-aad: Magaca filimkan Dil Kya Kare micno ahaan waxaa laga wadaa ‘Qalbiga muxuu doonayaa inuu sameeyo’ waana filim jaceyl arimaha qoyska iyo jaceylka ka hadlaayo kana soo wareegatay daawashadiisa 20 sano.

Xaqiiqada 2-aad: Ajay iyo Kajol guurkoodii kadib waa filimkii ugu horeeyay lamaanahan isla sameeyeen.

Xaqiiqada 3-aad Dil Kya Kare wuxuu noqday Flop ama filim guul dareestay madaama filimkan daawadayaasha ka helin qaabka sheekada loo dhigay waxay rabeen Ajay iyo Kajol lamaane ahaan inaan lasoo dhex galin laakiin Mahima ayaa Kajol ka xigsatay Ajay.

Xaqiiqada 4-aad: Dil Kya Kare waa filimka labaad oo ay sanadii 1999 kasoo wada muuqdeen Chandrachur Singh Iyo Mahima midka kowaad wuxuu Daag oo HIT weyn u noqday.

Xaqiiqada 5-aad: Dil Kya Kare, Gair iyo Thakshak waa sedexda filim ugu dambeeyeen Ajay usoo baxeen 99-ki weyna wada guul dareesteen halka 4-filim ka horeeyaan sedexdaan isla sanadkaas Ajay usoo baxeen wada guuleesteen sida Kachche Dhaage (Hit), Hogi Pyar Ki Jeet (Hit), Hum Dil De Chuke Sanam (Hit) iyo Hindustani Ki Kasam (Average).

Xaqiiqada 6-aad: Dil Kya Kare waa filimka labaad ee 99-kii Kajol Flop ka noqday waxaa sidoo kale ka fashilmay filimka Hote Hote Pyaar Ho Gaya balse waxaa Super Hit u noqday filimkii Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain oo ay Anil Kapoor la sameesay.

Xaqiiqada 7-aad: Dil Kya Kare iyo filimka Hum Tum Pe Marte Hain oo ay wada jileen Govinda iyo Urmila ayaa hal maalin tiyaatarada la wada saaray waxana noqdeen Flop inkastoo filimka Ajay 8.94 Crore soo xareeyay midka Govinda isagana keenay 6.23 Crore.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here