Director: Harry Baweja

Soo saare: Parameet Baweja

Jilaayaasha: Ajay Devgn, Sonali Bendre, Madhoo, Amrish Puri, Shakti Kapoor, Gulshan Grover iyo Parmeet Seth

Xiliga la daawaday: 27 Sep 1996

Natiijadiisa: Semi Hit (Filim guuleestay 87% lacagtiisa dib ayuu usoo celiyay).

Qiimeynta fariintiisa: 5.7/10 IMDb Rating.

Xaqiiqada 1-aad: Diljale micno ahaan waxaa laga wadaa Qalbigii Holcay ama Gubtay wuxuuna ka mid yahay aflaanta ugu caansan Ajay sameeyay looguna jecel yahay.

Xaqiiqada 2-aad: Diljale Album-kiisa sida weyn loo iibsaday 90-maadkii waxaa sameeyay muusigiiste Anu Malik wuxuuna albumka ka kooban yahay 8 hees.

Xaqiiqada 3-aad: Suniel Shetty ayaa loo bandhigay doorka atooraha caawiyaha filimkan balse wuxuu ku mashquulsanaa duubista filimkiisii Border, kadib Milind Gunaji ayaa iska diiday filimkan madaama uu diiday inuu garka iska xiiro ugu dambeyntiina Purmeet Sethi ayaa aqbalay sameynta atooraha labaad.

Xaqiiqada 4-aad: Juhi Chawla ayaa lala rabay doorka Radhika balse wey ka laba labeesay waxaana gacanta ku dhigtay Sonali Bendre oo filimkan lagu amaanay.

Xaqiiqada 5-aad: Akshay Kumar ayaa ahaa dooqa kowaad hogaaminta filimkan balse wuu ka mashquulay wuxuuna filim sameeye Harry Baweja u dhiibtay Ajay Devgn oo horey ugu sameeyay filimkii Dilwale (1994).

Xaqiiqada 6-aad: Ruug cadaa Raza Murad ayaa loo bandhigay filimkan inuu ka qaato door uu Amrish Puri xulafadiisa ka mid yahay balse wuu iska diiday.

Xaqiiqada 7-aad: Diljale wuxuu noqday filimka 10-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo sanadii 1996 asigoo keenay 9.09 Crore sidoo kalena wuxuu noqday filimka 11-aad ee tikit ka ugu badan loo goosto 1996 waxaana tiyaatarta ka daawadeeb 9-milyan iyo 816,000 oo qofood.

Xaqiiqada 8-aad: Diljale wuxuu noqday filimka 6-aad ee ugu bilaabashada wanaagsanaa sanadii 1996 wuxuuna maalinta kowaad keenay 71 Lakh ayadoo laga daawaday 225 tiyaatar.

Xaqiiqada 9-aad: Diljale wuxuu ahaa filimkii labaad Ajay u sameeyo Director Harry Baweja waxayna labadan guud ahaan wada sameeyeen 5-filim oo kala ah: Dilwale (1994), Diljale (1996), Deewane (2000), Qayamat (2003), Main Aisa Hi Hoon (2005).

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here