Maanta oo kale 7 November 1999 waxaa oa daawaday Filimka caanka ah ee Gair kaaso uu hogaamiye ka ahaa Superstar Ajay Devgn laakiin nasiib xumo Box-office-ka Flop ayuu ka noqday ama Filim ganacsi ahaan guul dareestay.

Sikastee ahaataba jaceylka Filimkaan loo qabo inaba caadi ma ahan marka dadka Soomaalida lagu qiimeyso sidee u jecel yihiina waxaadba isleedahay kani waa Blockbuster waxaana loo yaqaana Ajau Wecelka ama Garaca.

Ajay doorkiisa hantiilaha uu kujilaayo waa mid uu ku kaabeeyay Raveena Tandon ayaana atiriisho ka ah heeso xul ahna wey kujiraan oo ilaa maantadan la jecel yahay.

Hadaba xaqiiqooyin u gaar ah hoos kaga bogo mashruucan:

Xaqiiqada 1-aad: Markii hore Filimkaan waxaa loo bixiyay magaca Shaktishaali balse waa laga bedelay oo Gair ayaa loo bixiyay.

Xaqiiqada 2-aad: Duubista Filimkaan iyo howshiisaba 1992 ayee bilaawatay mudo 7 sano ayaana la iska soo daba jiitamaayey ugu dambeyn 1999 ayaa la daawaday.

Xaqiiqada 3-aad: Ajay Devgn iyo Raveena Tandon dagaal ayaa ka dhaxeeyay mudadii ay duubayeen Filimka Gair waliba si dhib badan ayee ku duubeen mana ka rumeysanaayo sida shaashada ay jaceyl ugu jileen Filimkaan kuwaan ayaa isdagaalsana maba is dhaheysid dhowr jeer ayee goobta Filimka ku murmeen qisadooda dagaalkana waan ka hadalnay.

Xaqiiqada 4-aad: Rekha, Dimple Kapadia iyo Jaya Prada ayaa loo bandhigay doorka Reena Roy ee Ajay hooyadiis kujishay misane garacnimo ku dhashay balse dhamaantood wey iska diideen doorkaas ugu dambeyn Reena Roy ayaa qaadatay.

Xaqiiqada 5-aad: Reena Roy muuqaalkeeda Filimkaan waxaa la mooda gabar yar oo wali aan la guursan xitaa atiriisho yar ayaa oa mooda quruxdeeda iyo dhalaalkeeda aawged waana atiriisho bari samaadkii jiri jirtay waana atiriishadii maska ku jishay Filimka Naagin.

Xaqiiqada 6-aad: Waa Filimkii Labaad Ajay Devgn labo door shaashada kujilo waxuuna Filimkaan kahor labo door kujilay Hindustan Ke Kasam oo aabo iyo wiilkiis labadaba wada ah.

Xaqiiqada 7-aad: Daawadayaashii xiligaa jireen waxay aad u ammaaneen doorka Amrish Puri oo loo yaqaan Saalimsey ama Indho-Caag waa door aad loo ammaanay waana mid kamid ah doorarkiisa ugu wanaagsan abid mana ahan door xumaan ah ama laadar ah.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here