Taxanaha Golmaal waa mid kamid a aflaamta ugu caansan kuwaaso qeybo kala duwan laga sameyay sido kalena guulo lixaad leh gaaren.

Hadaba waa macquul taxanayaal badan inee fashilmeen qeybo kamid ah kuwaas oo ganacsi ahaan burbureen sida Great Grand Mast oo ah qeybta sedexaad ee taxanaha Masti iyo Sarkar taxanaha ah.

Hadaba 29 Oct waxaa tiyaatarada sanadkii 2008 la saaray filimka shactirada badan ee Golmaal Returns kaaso uu Super Star Ajey Devgan hogaamiye ka yahay.

Golmaal Returns wuxuu noqday Hit waxaana Director ka ah Rohit Shetty halka doorar muhiim ah ku lahaaden filimkaan xidigaha kala ah Kareena Kapoor, Arshad Warsi, Tusshar Kapoor, Shrreyas Talpade.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Magaca Gopal Ajey Devgan aflaam fara badan ayaa loogu yeera waxaana kamid ah aflaamtaas Dil Kya Kare, Masti, Golmaal 1, Golmaal 2, Golmaal 3 Golmaal 4, iyo Pyaar To Ho Na Hi Tha.

Xaqiiqada 2aad: Filimsameye Rohit Shetty ayaa dhamaadka filimkaan soo muuqanaya waliba xili uu Tusshar Kapoor sheegayo in qeybta xigta uu kasoo muuqan doono.

Xaqiiqada 3aad: Jilaaga shactirada badan Arshad Warsi ayaa wacad ku maray inuusan qeybta sedexaad ee filmkaan sameynin kadib markii uu ka xanaaqay doorkiisa dhamaadka oo laga reebay ama la tirtiray muuqaalo shactiro badan oo dhamaadka filimkaan kusoo bandhigay.

Balse Filimsameye Rohit Shetty ayaa Arshad raali galiyay kana codsaday inuu taxanahan doorkisa marwalba kulahaado Arshad oo Rohit saaxiib dhow la ah wuu aqbalay sidaa ayuuna qeybta sedexad iyo afaraadba kusameyay xidigaan.

Xaqiiqada 4aad: waa qeybta labaad ee taxanaha filimka Golmaal walibana taxanahan ma dhicin qeyb kamid ah oo fashilmatay dhamaantoda guulo lixaad leh ayee gaareyn sababtana waa shactirada dhamestiran ee filimkaan lagu sameyay.

Xaqiiqada 5aad: Waa Dib usameynta filimka Aaj ki Tazaa Khabar kaaso la daawaday 1973 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Kiran Kumar iyo Radha Saluja.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here