Xaqiiqooyin u gaar ah filimka I ee Vikram cirbada lagu duraayo.

0
4061

Director: Shankar

Soo saare: V Ravichandran iyo D. Ramesh Babu

Jilaayaasha: Vikram, Amy Jackson, Suresh Gopi, Upen Patel iyo kuwo kale.

Xiliga la daawaday: 14 Jan 2015

Natiijadiisa: Above Average (Hit in Tamil, Flop in Telugu & Hindi).

Xaqiiqada 1-aad: I waa filim Tamil ah oo duubistiisa bilaabatay 15 Janaayo 2012 waxayna shaqadiisa qaadatay labo sano iyo bar in la dhameestiro.

Xaqiiqada 2-aad: Filimka I waxaa lagu duubay China, Chennai, Bangkok, Jodhpur, Mysore, Bangalore iyo meelo kale.

Xaqiiqada 3-aad: Vikram wuxuu ku qaatay filimkan abaal marinta Filmfare Awards atooraha ugu wanaagsan qaybta Tamil.

Xaqiiqada 4-aad: Superstar Rajinikanth ayaa iska diiday sameynta filimka I gaar ahaan doorka muuqaal ahaan tuurta loo yeelayo wajigana laga badalaayo ayuu diiday balse Vikram ayaa sameyntiisa aqbalay abaal marino badana ku helay.

Xaqiiqada 5-aad: Filimkan marka kowaad magaca Thendral ama Therdal ayaa loo bixiyay balse ugu dambeyntii Director Shankar xarafka I ayuu doortay in loo bixiyo.

Xaqiiqada 6-aad: Priyanka Chopra, Asin, Deepika Padukone iyo Samantha ayaa dhamaantooda iska diideen booska atirishada kowaad ugu dambeyntiina Amy Jackson ayaa filimkan calfatay waxayna ku qaadatay 7.50 Crore ($750k) doorkeeda filimkan.

Xaqiiqada 7-aad: Filimka I wuxuu soo xareeyay 240 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuuna xambaarsanaa miisaaniyad 100 Crore ahayd. Waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 125 Crore ayagoo dib kaga heleeb 120 Crore.

Xaqiiqada 8-aad: Vikram doorkiisa 30 kiilo ayuu iska riday muuqaalka qeybaha dambe tuurta leeyahay sidoo kalena 5 saac ilaa 7 saacadood maalin walbo make up kala duwan ayaa loo marin jiray.

Xaqiiqada 9-aad: Superstar Suriya ayaa sheegay in hogaaminta filimkan isaga marka kowaad loo bandhigay balse uu la yaabay markii uu maqlay in Director Shankar la saxiixday Vikram. Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here