Home » XAQIIQOOYINKA FILIMADA » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaceylka Cajiibka Ah Ee Bachna Ae Haseeno Kaaso Ranbir Kapoor Hogaaminaayo!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaceylka Cajiibka Ah Ee Bachna Ae Haseeno Kaaso Ranbir Kapoor Hogaaminaayo!!

Bachna Ae Haseeno waa mid kamid ah aflaamta dhalinyarada loogu talo galay waana filim jaceyl ah kaasona uu Ranbir Kapoor doorkiisa aad oga soo baxay.

Bachna Ae Haseeno ilaa iyo hada aad ayaa loo xiiseya sheekadiisa iyo heesaha filimkaan kujiraan, wuxuu RK kumuujiyay filimkaan inuu qaab jiliinka kasoo dhaxlay reerkiisa maadama qoyskiisa oodhanba fanka kasoo jeedaan asal ahaan.

hogaamiyaasha filimkaan jaceylka iyo shactirada isku jirta ah: Ranbir Kapoor, Deepika Padukone, Bipasha Basu iyo waliba Minissha Lamha waxaana la daawaday sanadkii 2008 wuxuuna noqday darajo ahaan Semi Hit.

Director: Siddharta Anand & Producer: Aditya Chopra.

Fadlan halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filimka Bachna Ae Haseeno:

Xaqiiqada  1aad: ciwaanka Heeska ‘Bachna Ae Haseeno’ waa hees hore oo uu horey ugu luuqeyay fanaankii bari samaadkii Kishore Kumar kaaso ay kujirtay filimka Rishi Kapoor hogaamiyaha ka ahaa ee Hum Kisise Kum Nahin (1977).

sidaa awged music tayasha iyo qolada filimkaan iska lehba waxay qorsheyeen in heeskaas uu horey Rishi umatalay qeybta hore laga soo qaato waana laga soo qaatay waxaana ku luuqeyay nasiib wanaag Kishore Kumar wiil uudhalay ee ladhaho Sumeet Kumar balse qeybta dambe waa laisku qasay oo qeyb cusub ayaa lagadhigay.

sidaa darteed heeska Bachna Ae Haseeno haaf waxaa laga soo Copy yeeyay Rishi Kapoor heeskii uu matalay haafka kalena waa la cusbnonesiyay balse waxaa nasiib isku soo aaday fanaanka heeskan horey u qaaday in mar labaad uu wiilkiisan qaaday sido kalena atoorahii horey u matalay heeskaan uu markale asna wiilkiisa uu matalay.

Xaqiiqada  2aad: Goos-gooska filimkaan waxaa lagu soo dhexdaray labo filim ookala duwan kuwaaso la wada daawaday sanadkii 2008 waxayna kala ahaayen Tashan iyo Thoda Pyaar Thoda Magic.

Xaqiiqada  3aad: atariishada Amrita Rao ayaa door laga siiyay filimkaan balse wey iska diiday nasiib xumo waana markii koow la aruurinayey sedexda gabdhood doorarkoda sidaa awged Amrita door kamid ah sedexda atariisho ayaa lasiiyay balse wey ku gacan seeraty.

Xaqiiqada  4aad: mashruucan waxaa qeyb ka ahed Katrina Kaif oo qeyb ka qaadan lahed ama kasoo muuqan lahed balse waa laga saaray oo muuqaaladeeda waa la tirtiray filimka oo aad udheeraday aawged.

Xaqiiqada  5aad: Preity Zinta ayaa xiligaas la hadal hayey inee door ku lahaan doonto filimkaan balse ma dhicin midaa.

Dhamaad………….