Mirchi waa filim dagaal ah fariintiisana tahay mowduuc arimaha qoyska ka hadlaayo waxaana hogaamiye ka ah Prabhas sanadkii 2013 ayaana la daawaday jilayaasha kale ee la jileen waxaa kamid ah Anushka Shetty, Richa, Sathyaraj, Brahmanandam iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba xaqiiqooyin aan ka diyaarinay mashruucan xiisaha leh ee dadka Soomaliadana aadka u xiiseeyaan hoos ka akhriso:

Xaqiiqada 1-aad: filimkan asigoo Kannada ah ayaa dib loo sameeyay magaca Maanikya (2014) waxaana hogaamiye ka ahaa Kichcha Sudeep.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkan duubistiisa waxay bilaabatau 16 Janaayo 2012 ilaa 24 October 2012 ayay socotay waxaana lagu duubay Hyderabad, Tamil Nadu iyo Yurub meelo ka mid ah.

Xaqiiqada 3-aad: Mirchi waxaa tiyaatarada la saaray 8 Feb 2013 wuxuuna noqday Blockbuster weyn asigoo 80 Crore ka badan keenay ganacsigiisa dibad iyo dal sidoo kalena 47.45 Crore saami ah ayay kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen wuxuuna markaas noqday HIT-ka 5-aad ugu weyn Tollywood sameeyaan.

Xaqiiqada 4-aad: John Abraham ayaa iibsaday xuquuqda filimkan asigoo Hindi ah la sameenayo sidoo kalena hogaamiye ayuu ka noqonaa balse mashruucan lama hana qaadin.

Xaqiiqada 5-aad: Mirchi waa filimkii ugu horeeyay ee uu Director koratala shiva sameeyo kuna qabsaday Telugu ama Tollywood. Kadibna wuxuu sameeyay filimada hirgaleen sida Srimanthudu, Janatha Garage, Bharat Ane Nenu.

Xaqiiqada 6-aad: Mirchi waa filimkii Prabhas uu kusoo rogaal celiyay wuxuuna noqday Hit kiisii ugu weynaa ka hor inta uusan Bahubali soo bixin.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here