Waxaa kasoo wareegatay 23-sano markii tiyaatarada la saaray filimka Action-ka ah ee Soomaalida agtooda Blockbuster-ka weyn ka noqday Rakshak sidoo kalena Suniel Shetty hogaamiye ka ahaa waxaana ku wehliyeen Karisma Kapoor iyo Sonali Bendre oo doorar adag ku lahaayeen.

Haddaba waxaan idiin heyna xaqiiqooyin kooban oo muhiim ah una gaar ah filimka Rakshak kaasi oo tiyaatarada la saaray 29 November 1996 waxaana Director ka ahaa Ashok Honda.

Xaqiiqada 1-aad: Rakshak wuxuu noqday filim Flop ah ama guul dareestay inkastoo bilaabasho adag sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso sidoo kalena cimri ahaantiisa ganacsi wanaagsan sameeyay waxaana ugu wacnaa in xiligaas qolyaha cajaladaha qeybiyaan lacago aad u sareeyo filimkan ku iibsadeen culees baddana ku keentay.

Xaqiiqada 2-aad: Anil Kapoor ayaa ahaa dooqa kowaad filimkan balse wuu iska diiday madaama sameynta aflaanta Action-ka ah Anil xiligaas xiiseyn jirin.

Xaqiiqada 3-aad: Rakshak sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil-ka ah Honest Raj ee sanadii 1994 la daawaday hogaamiyena ka ahaa Vijaykanth.

Xaqiiqada 4-aad: Director Ram Gopal Varma ayaa isagana sameeyay filimka isla magaca Rakshak wato oo Sanjay Dutt hogaamiye ka ahaa balse markii dambe magaca Nayak ayaa loo bixiyay laakiin filimkan wuxuu noqday mid baaqday oo meel la iska dhigay oo aan tiyaatarada la saarin.

Xaqiiqada 5-aad: Heesaha filimka Rakshak waxay noqdeen kuwo siweyn u hirgaleen oo ilaa maantadan la jecel yahay gaar ahaan heeska Shahar Ki Ladki ee Raveena iyo Suniel muuqaal ahaan laga duubay waa mid Hindiya oo dhan qabsatay 90-maadkii.

Xaqiiqada 6-aad: Heeska Shahar Ki Ladki waxaa la rabay in muuqaal ahaan Karisma Kapoor laga duubo oo filimkan hogaamiye ka ahayd balse kooxda iska leh ayay isku dhaceen kadibna Raveena ayaa heeskan hirgalay calfatay.

Xaqiiqada 7-aad: Soo saare Ashok Hond ayaa Suniel Shetty dib ula midoobay madaama horey sanadii 1994 la imaadeen filimkii hirgalay Anth kadibna Rakshak ayay ku midoobeen oo hadal heyntiisa 1996 aad u sareesay xitaa soo bandhigida album-ka heesaha filimkan waxaa lagu casuumay Amitabh Bachchan iyo marwadiisa Jaya Bachchan.

Xaqiiqada 8-aad: Karisma Kapoor iyo waxaa isku dhaceen soo saare Ashok Honda kadib markii uu ku eedeeyay inaysan si ula kac ah filimkiisa dib u dhac ugu keeneyso madaama aflaan kale ku mashquushay ee filimka Rakshak waxaa la daawan lahaa horaantii 1996 waana sababta keentay dhamaadkii 1996 soo baxo dagaalkaana wuxuu keenay in mashruucan dib u dhac ku imaado.

Xaqiiqada 9-aad: Jilaaga filimkan laadarka ah Raghuvaran ayaa geeriyooday 19-kii Maarso 2018 wuxuuna ahaa halyee ka dhaxeeyay Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya asigoo sameeyay in ka badan 200-filim. Waxaana la sheegay xanuunka macaanka inuu u geeriyooday xili sokorkiisa hoos u dhacday.

Xaqiiqada 10-aad: Xuquuqda Album-ka heesaha filimka Rakshak waxaa iibsatay shirkada ABCL ee Amitabh Bachchan iska lahaa balse markii shirkadan musaliftay ama dhaqaale ahaan bur burtay wuxuu Big Bachchan xuquuqda heesaha ama album-ka filimkan ka iibiyay shirkada T-Series.

Xaqiiqada 11-aad: 23-sano kadib heeskii hirgalay Shahar Ki Ladki dib ayaa loo casriyeeyay waxaana lagu soo bandhigay filimka Khandaani Shafakhana oo sanadkan la daawaday ayadoo muuqaal marti ah heeskan ku yeesheen Suniel Shetty iyo Raveena Tandon halka fanaanka caanka ah Badshah iyo atirishada Diana Penty heeskan laga duubay waxaana ku luqeeyeen ayadoo dib loo casriyeeyay Tulsi Kumar iyo Badshah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here