Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Suniel Shetty Labada Waji Ku Matalay Ee Gopi Kishan!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Suniel Shetty Labada Waji Ku Matalay Ee Gopi Kishan!!

Gopi Kishan waa mid kamid ah aflaamti 90kii la sameyay kuwaso ahaayen Action-Comedy ama filim dagaal iyo shactiro isku dhexjirto ah.

Filimkaan waxaa hogaamiye ka ahaa Suniel Shetty oo labadiisa door aad oga baxsaday guul weyna gaarsiiyay filimkaan.

Waxaa la daawaday maanta ookale 2 Dec sanadkii 1994 waana filim Box-office India Semi-Hit ka noqday taas oo micnaheeda ah in filimkaan guul wacan gaaray.

Waxaa Director iyo Producer ba ka ah Mukesh Duggal, halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filimka Gopi Kishan.

Xaqiiqada 1aad: Filimkaan waxaa Director ka ahaa markii hore Deepak Shivdasani kaaso filimkaan 80% ka shaqeyay oo duubay balse waxay iskudhacen ninka filimkaan maalgaliyaha ka ahaa ee Mukesh Duggal.

sidaa awged Deepak Shivdasani waxaa lagu amray inuu isaga baxo filimkaan waxaana dhamestiray oo Director ka noqday Mukesh markii filimkii la daawadayna magaca Director nimo mukesh isaga ayuu isku qoray oo Deepak Shivdasani qadka waa kabaxay.

Xaqiiqada 2aad: Heeska filimkaan kujirto ee ah “Hai Hukku” waxay noqotay hees caan ah oo xiligeedii laga daba dhacay waana hees Hit ah.

Xaqiiqada 3aad: Atiriishada Farheen lagu magacaabo aya markii hore saxiixatay filimkaan inee sameyso balse waxaa markii dambe lagu bedelay atiriishada Shilpa Shirodkar.

Xaqiiqada 4aad: Gabadhii quruxda badneed bilawgii 90kii ee Divya Bharti ayaa filmkaan saxiixatay inta aysan geeriyon kahor balse markee geeriyootay waxaa booskeda gashay Karisma Kapoor oo filimkaan jishay.

Xaqiiqada 5aad: Mukesh Duggal markii uu filimkaan Suniel Shetty la saxiixanayey sanadkii 1992 waxaa markaas loo bixiyay filimkaan Teer Kaman balse gadaal ayaa magacaas laga bedelay.

 

Dhamaad…….