Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmk Hit-ka Weyn Noqday Sabse Bada Khiladi Wax Badan Ka Ogow!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmk Hit-ka Weyn Noqday Sabse Bada Khiladi Wax Badan Ka Ogow!!

Sabse Bada Khiladi waa film dagaal ah kaaso maanta oo kale la daawaday waxaana hogaamiye ka ah Super Star Akshay Kumar waana mashruuc guul wacan ka gaaray Box-officeka isagoo noqday Hit weyn.

Hadaba waxaa filmkaan wax ka jileen jilayaasha kala ah Akshay Kumar, Mamta Kulkarni, Mohnish Behl, Gulshan Grover, Sadashiv Amrapurkar (Leeb) oo ah laadarka filmka ugu weyn, waxan idiin kaga heynaa mashruucan xaqiiqooyin laga diiwaan galiyay fadlan halkaan hoose kaga bogo.

Xaqiiqada 1aad: Waa mid kamid ah aflaamta magaca Khiladi la siyay kuwaaso uu Akshay Kumar hogaamiye ka noqday sido kalena Box-offiice-ka guul wacan gareen waliba mashruucan ugu dambeyn Hit ayuu noqday.

Xaqiiqada 2aad: Sabse Bada Khiladi waxuu noqday filmkii 6aad ee lacagaha ugu badans oo xareyo sanadii 1995.

Xaqiiqada 3aad: Akshay Kumar ficilada halista ah ee filmka lagu soo bandhigay isaga ayaa sameestay qofkale uma sameenin maadama atoorayasha inta badan ficilada halista ah dadkale usameeyan xita Akki muuqaalka uu helicopter kasoo boodayo gaarigana kusoo dul dhacaayao isaga ayaa sameyay waaan muuqaalka ugu qatarsan uguna halista badan filmka.

Xaqiiqada 4aad: Akshay Kumar waxuu shaaca ka qaaday in uu isaga alifay muuqaalka ay Mohnish Behl is dagaalayaan waxuun sheegay inuu kasoo xigtay Tom and Jerry.

Xaqiiqada 5aad: Sheekada filmkan waxaa in badan laga soo xigta buuga hindiga ah ee sheekooyinka lagu qoro kaaso lagu magacabo ‘Lallu’ waxaana buugaan qoray oo leh ninka lagu magacaabo Ved Prakash Sharma.

Xaqiiqada 6ad: Akshay Kumar iyo Mamta Kulkarni Filmkaan kahor waxay sanadkii 1993 isla sameeyen filmada kala ah Waqt Hamara Hai iyo Ashaant.

Dhamaad…

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *