Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shactirada Badan Ee Houseful 3 Taxano Aan Laga Xiiso Dhigeyn!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shactirada Badan Ee Houseful 3 Taxano Aan Laga Xiiso Dhigeyn!!

Houseful 3 waa qeybta sedexaad ee filmka taxanaha ah Houseful kaso uu hogaamiye ka yahay Super Star Akshay Kumar, Houseful waxaa la daawaday maanta oo kale 3 June 2016.

Ayadoo ay wada jileen Akshay Kumar, Jacqueline Fernandez, Abhishek Bachchan, Riteish Deshmukh, Nargis Fakhri, Lisa Haydon, Jackie Shroff, Boman Irani, Chunky Pandey iyo kuwa kale.

Waxaan idiin heynaa qaar kamid ah xaqiiqada mashruucan laga diiwangaliyay, halkaan hoose kaga bogo:

Xaqiiqda 1aad: Kadib guusha wacan ay gaaren Houseful iyo Houseful 2 qarash gareye Sajid Nadiadwala waxuu u tagay Director Sajid Khan una bandhigay in uu sameyo Houseful3 balse Sajid Khan wuu ka cudurdaartay inuu mashruucan sameyo maadm dhib isaga u gaar ah heestay waxaana qeybta sedexaad Director ka noqday Sajid Farhad.

Xaqiiqad 2aad: Waa filmkii kowaad ee Sajid Khan Director uusan ka noqonin kaasi oo taxane ah maadama aflaamta taxanayaasha isaga uun Director ka noqon jiray sido kale Houseful labada qeybood ee hore Director ayuu ka ahaa.

Xaqiiqada 3aad: Markii labaad ee ay wada shaqeyaan Akshay Kumar iyo Director Sajid Farhad ayagoo horey u wada sameyay Entertainment (2014).

Xaqiiqada 4aad: Waa filmkii labaad ee wada sameyaan Abhishek Bachchan iyo Akshay Kumar kadib filmkoodi Haan Maine Bhi Pyaar kiya (2002).

Xaqiiqada 5aad: Akshay Kumar mashquulo badan ayaa heesteen markii uu mashruucan bilaawayey balse Sajid Farhad ayaa ka codsaday inuu waqtigiisa siiyo filmkan sidaa awged howl walba dib ayu udhigay Akki isagoo usoo jeestay kashaqeynta Houseful 3.

Xaqiiqada 6aad: Jacqueline Fernandez Houseful taxanihiisa oodhan wey kasoo muuqatay ayadoo qeybta kowaad muuqaal marti ah kulaheed halka qeybta labaad atirisho caawiso ahed ugu dambeyna qeybta sedexaad atirishada kowaad ee filmka aye ahed.

Xaqiiqada 7aad: Akshay Kumar, Riteish Deshmukh , Boman Irani iyo Chunky Pandey waa jilayaal taxanahan sedexda qeyboodba wada jileen mid walbana door heer sare ah kulahaa ayadoo Akki hogaamiyaha ahaa.

Xaqiiqada 8aad: Rajkumar Santoshi ayaa filmkaan Director ka noqon lahaa kadib markii Sajid Khan iska diiday balse waxaa calfaday Sajid Farhad…

Dhamaad…