Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Action-ka Ah Ee Ajay Kasoo Sunny Deol Wacdaraha Kudhigay!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Action-ka Ah Ee Ajay Kasoo Sunny Deol Wacdaraha Kudhigay!!

Ajay wa film dagaal iyo jaceyl isku dhexjira ah waxaana la daawaday shalay oo kale 27 Dec 1996 waxaana hogaamiye ka ahaa Super Star Sunny Deol kaaso xiligaas ugu awooda badnaa Bollywoodka.

Hadaba hadii aan idiin la wadaagnay sida uu filmkaan ku guulestay oo uu Average ku noqday sido kale xaqiiqada filmkaana waan idiin la wadaagena.

Waxaa Director iyo Producer ba ka ah Suneel Darshan halka ay Sunny Deol ay kula weheliso atirishada Karisma Kapoor.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmka Ajay:

Xaqiiqada 1aad: Filmsameye Rajkumar Santoshi iyo Sunny Deol ayaa sanadkii 1991 qorsheyeen inee sameyaan filmkaan waliba Sunny ayaa keenay magaca filmkaan “Ajay”

Sikaste ahaataba Santoshi ayaa sheekada filmkaan qaatay waxuuna qorsheystay inuu Anil Kapoor hogaamiye kaga dhigo asigoo magaca filmka u bixiya Pukar, balse arinkaan waxay ka careysiisay Sunny Deol maadama la qayaamay ugu dambeyn Santoshi waxuu Sunny ka balan qaaday in sheekada filmkaan uu isaga hogaamiye kaga dhigaayo.

Hase ahaate waxaa xaquuqda magaca filmkaan iyo sheekadiisaba la wareegay markii dambe Suneel Darshan kaaso ugu dambeyn sameyay Sunny Deol na hogaamiye kaga dhigay.

Xaqiiqada 2aad: Waxaa filmkaan laga jaray muuqaal isku soo dhawaansho xad dhaaf ah oo ay wadaagayan Sunny Deol iyo Karisma Kapoor maadama Director-ka filmkaan ku fikiray ine filmka waxyeeleyneso muuqaalkas maadama qoysaska xitaa usoo daawasho tagayaan.

Xaqiiqada 3aad: Juhi Chawla ayaa atirisho ka ahed filmkaan markii hore balse markii dambe waxaa lagu bedelay Karisma Kapoor oo atirisho ka noqotay.

Xaqiiqada 4aad: Manmohan Singh oo filmsameye ah ayaa markii hore lala rabay inuu Filmkaan Director ka noqdo balse Suneel Darshan oo filmkaan maalgaliye ka ahaa waxuu ku qanci waayey shaqada Manmohan Singh sidaa awged isla isaga ayaa Director ka noqday filmkaan.

Xaqiiqada 5aad: Filmkaan magaciisa waxaa la dhahaa Ajay sido kale Sunny Deol filmka waxaa looguyeera Ajay waxaana qorshahan iska lahaa Sunny Deol maadama magaciisa dhabta ah la dhaho Ajay Singh Deol waxuuna ku fikiray in magaciisa dhabta ah filmkaan loogu yeero.

Xaqiiqada 6aad: Sridevi ayaa filmkaan saxiixatay sanadkii 1992 balse markii dambe way isaga baxday mashruucan maadama ay fursad uweysay ay ku duubto.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii labaad oo ay wada sameyaan Sunny Deol iyo Karisma Kapoor maadama horey ay uwada sameyeen filmka Jeet ee isla sanadkii 1996 bartamahiisa la daawaday.

Dhamaad……