Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Arshad Warsi Ku Soo Caanbaxay Ee Tere Mere Sapne(Riyooyinkena)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Arshad Warsi Ku Soo Caanbaxay Ee Tere Mere Sapne(Riyooyinkena)

Tere Mere Sapne waa film jaceyl  kusaleesan sheekadiisa waxaana hogaamiyaal ka ah xidigaha kala ah Chandrachur Singh iyo Arshad Warsi.

Filmkaan ayaa la daawaday shalay ookale 6 Dec 1996 waxaana Director ka ah Joy Augustine halka uu maalgaliye ka ahaa Mega Star Amitabh Bachchan.

Filmkaan nasiib wanaag dhanka Box-office Hit weyn ayuu kanoqday dhalintii fanka kucusbeedna waji wanaagsan aye ku bilawden.

Halkaan Kaga Bogo Xaqiiqooyin  U Gaar Ah Filmka Tere Mere Sapne (Riyooyinkeena):

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan markii hore waxaa Director ka noqon lahaa ninka lagu magacaabo Bharat Rangachary balse ninkaan ayaa xijaabtay inta uusan howshaan guda galin sidaa awged waxaa Director ugu dambeyn ka noqday Joy.

Xaqiiqada 2aad: Waa filmkii ugu horeyay ee la daawado taaso ay maalgalisay shirkada ABCL oo uu iskaleeyahay Amitabh Bachchan.

Xaqiiqada 3aad: Shirkada ABCL waxay bilaawday inee ololo sameyso taaso ay ku baadi goobeyso inee dhalin cusub soosarto ugu dambeyna waxay heleen oo ay soosaaren 4 jilaa oo xiligaas fanka kucusbaa kuwaas ookala ahaa Chandrachur Singh, Arshad Warsi, Priya Gill iyo Simran.

Xaqiiqada 4aad: Filmkaan sheekadiisa waxaa loo ekeysiiyay o wax badan laga soo minguuriyay sheekada Americank-ka ah ee buuga laga diyaariyay taaso markii ugu horeysay la daabacay 1881 waxaana buugaas loogu magac daray The Prince And The Pauper.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii ugu horeyay ee uu kasoo muuqdo atooraha dhanka shactirada kudheereya ee Arshad Warsi.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii labaad ee uu kasoo muuqdo Chandrachur Singh maadama isla sanadkii 1996 tiyaatarada loo saaray filmkiisi Maachis balse filmkiisa koowaad ee uu saxiixdo waa Tere Mere Sapne.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii koowaad ee ay abid isla sameyaan atoorayaasha kala ah Arshad Warsi iyo Chandrachur Singh inkasto Singh calankiisa dhacay hadana Arshad ayaa ah maanta xidig weyn oo laga daba dhaco.

 

Dhamaad,,,,,,,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *