Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Badal Ee Maanta Oo Kale La Daawaday Bobby Deol Iyo Bandhig Taariikhi Ah!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Badal Ee Maanta Oo Kale La Daawaday Bobby Deol Iyo Bandhig Taariikhi Ah!!

Waxaa maanta oo kale la daawaday Bobby Deol filmkisa Hit-ka weyn noqday ee Badal kaaso markii dambe soomalida Badal magac ahaan atoorahn ugu bixiday.

Badal waa mashruuc guul lixaad leh gaaray waxaana hogaamiyaal ka ahayen Bobby Deol, Rani Mukerji, Amrish Puri halka ay doorar muhiim ah ku lahaayen Johnny Lever iyo xidigo kale oo caan ah waxaana la daawaday taariikhda marke ahed 11 Febraayo sanadkii 2000 maanta oo kale.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Badal:

Xaqiiqada 1aad: Filmka Badal waxaa sheekadiisa laga soo min guuriyay filmka Hollywoodka ah ee Devil’s Own kaaso la daawaday sanadkii 1997.

Xaqiiqada 2aad: Waa filmkii u dambeyay ee uu maalgaliye ka noqdo ninka lagu magacaabo Salim Akhtar Badal kahor waxuu maal galiyay aflaam ay kamid yihiin Baazi, Jigar, Bhool Aur Angaar iyo kuwa kale oo badan.

Xaqiiqada 3aad: Waa filmkii u dambeyay oo ay wada jilaan Bobby Deol iyo Amrish Puri maadama Amrish filmkaan door muhiim ah ku leeyahay waxna ka hogaamiyey.

Xaqiiqada 4aad: Badal Heesihiisa oo dhan ma gadmin balse qaar kamid ah yaa hirgalen sida heesaha “Naa Milo Hamse Jyada” iyo heesta ” Yaar yara mere yaaram”

Xaqiiqada 5aad: waa filmkii u horeyay oo ay wada jilaan Bobby Deol iyo Rani Mukerji kadib filmkaan waxay wada jileen filmkii Bichho ee isla sanadkii 2000 la daawaday.

Xaqiiqada 6aad: Badal waxuu dhanka Box-officeka ka noqday film guul wacan gaaray oo Hit dhamestiran ah waliba daawadayaasha bandhiga Bobby Deol iyo doorkisa wacan ayee aad oga heleen waana mida sababtay in ay tiyaatarada soo buux dhaafiyaan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha Ugu Caansan Filmka Badal:

Dhamaad…

 

 

 

 

 

 

 

2 Responses to Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Badal Ee Maanta Oo Kale La Daawaday Bobby Deol Iyo Bandhig Taariikhi Ah!!

  1. Abdirisak Abdirahman

    February 11, 2018 at 6:21 pm

    Waa maxay sababta film maagleliyuhu u joojiyay in uu aflaamta maalgeliyo.

    • Ali Aadan

      February 11, 2018 at 6:45 pm

      midaas isaga unbaa garan karo anaga ma garan karno walal dabcan inuu shaqo ka wanaagsan helay ayaa macquul ah waayo waliged ayaa shaqo inta la iska dhaafo mid kale la aadaa