Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Blockbuster-ka Noqday Ee Ready Kaaso 7 Sano Kahor La Daawaday!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Blockbuster-ka Noqday Ee Ready Kaaso 7 Sano Kahor La Daawaday!!

Ready waa film dagaal iyo shactiro isku dhexjirta ah sido kalena arimaha qoyska in badan ka hadlaayo waana mashruuc uu hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan halka ay doorar muhiim ah kuleeyihiin jilayaasha kala ah Asin, Paresh Rawal, Puneet Issar iyo kuwa kale.

Filmkaan waxaa la daawaday maanta oo akle 3 June 2011 waana film guul wacan gaaray isagoo noqday Blockbuster, fadlan halkaan hoose kaga bogo xaqiiqada mashruucan laga diiwangaliyay..

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan waxaa kasoo muuqdeen oo muuqaalo marti ah ku lahaadeen jilayaal badan sida Sanjay Dutt, Ajay Devgan, Kangana Ranaut, Arbaaz Khan, Zareen Khan iyo Chunky Pandey.

Xaqiiqada 2aad: Salman waxuu booqday Ajay Devgan, Kangana Ranaut iyo Sanjay Dutt oo duubayan filmka Rascals waxuuna ka codsaday inee mashruucisa muuqaal marti ah kulahaadan weyna ka aqbaleen.

Xaqiiqada 3aad: Paresh Rawal intii uu duubayey filmkaan waxaa geeriyotay hooyadiisa balse muuqaal shactiro ah oo uu duubayey ma uusan hakinin ee isaga oo tacsida maqlay oo murugeesan ayuu muuqaalkas shactirada ah duubay.

Xaqiiqada 4aad: Waa dib u sameenta filmka Telugu ah ee Ready kaaso la daawaday sanadkii 2008 sido kalena ay wada jileen Ram iyo Genelia Deshmukh.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmka labaad ee lacaga ugu badan soo xareyay sanadki 2011 waxaana ka lacag batay kaliya filmka Bodyguard ee Salman hogaamiye ka yahay.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii labaad ee Salman iyo Asin wada sameyaan ayagoo horey u sameyeen filmka London Dreams (2009).

Xaqiiqda 7aad: Waa filmkii labaad ee atirishada Asin Blockbuster u noqdo aflaamta Bollywoodka maadama horey ay atirisho kaga noqotay filmka Ghajini ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay.

Dhamaad….

One Response to Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Blockbuster-ka Noqday Ee Ready Kaaso 7 Sano Kahor La Daawaday!!

  1. Ahmed Yoolah

    June 4, 2018 at 1:10 am

    Masha allah aad baa u mahadsantihin filimkan warkiisa waaba raadinayay xili hore in badan