Filimka Dear Zindagi waa mid kamid ah aflaamta ugu tayada wanaagsan ee sanadadii udambeysay Bollywoodka sameyaaan.

Waxaa la daawaday 25 Nov sanadkii 2016,waxaana hogaamiyaal ka ah Alia Bhatt iyo Shah Rukh Khan.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Dear Zindagi:

Xaqiiqada 1aad: Filimkaan waxaa Director ka ah Gauri Shinde waana gabadha sedexaad ee SRK filim usameysay cimri ahaantisa maadama horey aan u aragnay Farah khan iyo Hema Malini oo xidigaan filimo usameynayaaan.

Xaqiiqada 2aad: SRK wuxuu lasoo shaqeyay Mahesh Bhatt labadiisa gabdhood Pooja Bhatt (Chaahat 1996) iyo Alia Bhatt oo filimkaan uu lasameyay.

Xaqiiqada 3aad: SRK waa atooraha labaad ee abid la sameyay aflaam labada gabdhood ee walaalaha ah Pooja Bhatt iyo Alia Bhatt maadama atooraha koowaad uu ahaa Akshay Kumar oo horey Pooja Bhatt ula sameyay filimka Angaraay iyo Alia Bhatt oo yar taaso kasoo muuqatay filimka Akki ee Shangrash.

Xaqiiqada 4aad: SRK wuxuu lasoo shaqeyaya dhaaman reer Bhatt inta Bollywoodka soo martay oodhan, Mahesh Bhatt wuxuu SRK usameyay Duplicate iyo Gudgudee oo uu Mahesh Producer ka ahaa iyo gabdhaha oo aan sare kuxusnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here