Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Dev Kaaso Maanta Oo Kale La Daawaday!!

Dev waa mashruuc mideyay Fardeen khan oo bilawgii qarnigan ahaa atoore caan ah iyo Kareena Kapoor Kapoor oo ayadana Fardeen aflaam dhowr ah la sameesay.

Sido kale waxaa mashruucan door muhiim ah kuleh Mega Star Amitabh Bachchan waxaana la daawaday maanta oo kale 11 June sanadkii 2004, hadaba halkaan hoose kaga bogo xaqiiqada laga diiwaangaliyay Dev.

Xaqiiqada 1aad: Waa film ku guulestay abaal marinta filmfare awards qeybteeda labaad ama filmka labaad ee sanadkii 2004 ugu sheeko wanaagsana ayuu noqday oo Filmfare abaal marin ku siisay.

Xaqiiqada 2aad: Fardeen Khan filmkaan waxaa loogu yeera magaca “Farhaan Ali” waana magac ay Kareena soo aliftay sidaasna Farden Filmka loogu yeeray.

Xaqiiqada 3aad: Waa filmkii ugu horeyay ee Amitabh Bachchan iyo Om Puri shaashada kasoo wada muuqdaan halmar ayago mudo dheer fanka ku guda jireen.

Xaqiiqada 4aad: Kareena Kapoor Khan markii ugu horeyay ayee filmkaan ka heestay ayadoo ku luuqeysay heeska¬†“Jab Nahin Aaye.”

Xaqiiqada 5aad: Director-ka filmkaan Govinda Nihala waxuu sanadkii 1983 u bandhigay Amitabh Bachchan filmka Ardh Satya balse Big B waa ka cudurdaartay maadama uu mashquulsana markale ayuu sanadkii 2004 u bandhigay filmka Dev balse markaan Big Bachchan mashquul walba oo uu ku jiray wuu ka tanaasulay isagoo ka xishooday inuu markale Govinda film ka diido.

Xaqiiqaada 6aad: Amitabh Bachchan waxuu ifilmkaan ku jilaa taliyaha ciidanka Police-ka ugu sareeyo waana markii ugu horeyay ee uu film ku jilo darajadaas.

Dhamaad…