Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Imtihan Ee Maanta Oo Kale La Daawaday (+Video)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Imtihan Ee Maanta Oo Kale La Daawaday (+Video)

Imtihan waa film ay wada jileen Sunny Deol, Saif Ali Khan iyo Raveena ayadoo Shakti Kapoor, Gulshan Grover iyo kuwa kale ay doorarkale ku lahaayen.

Waxaa la daawaday maanta oo kale 11 Maarso sanadki 994 waana film guul darestay ganacsi ahaan balse qaab jiliinka jilayaasha amaan lixaad leh ku leheen.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan Laga Diiwan Galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Waa markii ugu horeysay oo ay wada shaqeyaan Sunny Deol, Raveena Tandon iyo Saif Ali Khan si wada jir ah.

Xaqiiqada 2aad: Jilaaga Gulshan Grover waxaa filmkaan loogu yeera magaciisa dhabta ah ee Gulshan.

Xaqiiqada 3aad: Atirishada Tabu ayaa markii hore saxiixatay doorka atirishonimo ee filmkaan balse markii dambe wey isaga baxday.

Xaqiiqada 4aad: Sheekada filmkaan waxaa laga soo min guuriyay filmii Classicda noqday ee Humraaz kaaso uu BR Chopra iska lahaa sido kalena la daawaday sanadkii 1967.

Xaqiiqada 5aad: Filmkaan waxay isku dhaceen dhanka Box-officeka filmka Insaniyat ee la daawaday isla maalinkas 11 Maarso sanadkii 1994 sido kalena labadoodab Flop aye noqdeen ganacsi ahaan.

Xaqiiqada 6aad: Heesaha filmkaan waxay noqdeen kuwa hirgalen oo aad loo jeclaa xiligooda ilaa hadana caan ka ah gudaha hindiya iyo daafaha caalamka.

Xaqiiqada 7aad: Sunny Deol 2 film uu jilaa kayahay ayaa iiskudhaceen Insaniyat Vs Imtihan waana alfama uu doorar muhiim ah ku leeyahay.

Xaqiiqada 8aad: Raveena dhankeda Insaniyat iyo Imtihan atirisho aye ka ahed hadana waa aflaam isku dhaceen oo labo film ay leedahay ayaa tiyaatarada ku hardamen ayadoo labaduba ay ka qasaaren.

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha Ugu Caansan Filmkaan:

Dhamaad….