Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Ee Humko Deewana Kar Gaye (+Video)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Ee Humko Deewana Kar Gaye (+Video)

Humko Deewana Kar Gaye (Jaceylkada Ayaa I Waalay) waa film jaceyl ah ay hogaamiyaal ka ahaayen Akshay Kumar iyo Katrina Kaif waxaana la daawaday maanta oo kale 14 Arpil sanadkii 2006.

Filmka waxaa Directro ka ah Raj Kanwar sido kale wxaa kaloo doorar muhiim ah kuleh Anil Kapoor iyo Bipasha Basu waana mashruuc ganacsi ahaan guul darestay.

Xaqiiqada Filmkaan laga diiwan galiyay halkaan hoose kaga bogo:

Xaqiiqada 1aad: Sheekada filmkaan waa qiso dhab ah oo dhacday oo film ahaan laga sameyay.

Xaqiiqada 2aad: Humko Deewana Kar Gaye waxuu noqday filmkii kowaad ee Katrina Kaif la sameyso Super Star Akshay Kumar.

Xaqiiqada 3aad: Salman Khan doorka Anil Kapoor filmkaan uu kujilay ayaa loo bandhigay balse wuu iska diiday jilaagan inuu doorkas qaato.

Xaqiiqada 4aad: Katrina Kaif codkeeda filmka kuma maqleesid maadama loo codeyay oo qofkale ayaa u hadlaayo.

Xaqiiqada 5aad: Bipasha Basu waxay u xanaaqday kooxda filmkaan maadama kaartoyinka filmka lagu daray sawiradeda ayadoo muuqaal marti ah kaliya kulahed filmkaan.

Sidokale kaartoyinka sawiradeda lagu soo bandhigay waxay u muuqden inee filmka door dhamestiran kuleedahay ookale waana mida ka xanaajisay atirishadan.

Xaqiiqada 6aad: Doorka Bipasha ee filmkaan waxaa marki hore saxiixatay Lara Dutta balse waa la bedelay oo Bipasha ayaaa lagu bedelay.

Xaqiiqada 7aad: Doorarka Anil Kapoor iyo Bipasha filmkana ku jilaayen dadka waa laga qariyay ilaa daawadayaasha ay indhahoda oga arkeen oo ay tiyaatarada oga daawaden mooye wax sharaxaad ah lagama bixin intii aan filmkaan la daawanin.

Xaqiiqada 8aad: Raj Kanwar waxuu saxaafada la wadaagay in sheekada filmkaan ay tahay qiso dhab ah oo dhacday walibana lamaanihii qisadan kudhacday waxaa soo doonten laba shaqsi kale ayadoo uu xitaa Raj lamaanaha dadka ku tusay filmkiisa qaasatan muuqaalka xaflada dabaal daga jiraan ayaa lagu arkaa lamaanaha qisadan dhabta ah ku dhacday.

Xaqiiqada 9aad: Waxaa muuqal marti ah kuleh mashruucan atirishada Bhageshree ee ah atirishadii filmkii Maine Pyaar Kiya.

Dhamaad…