Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Ee Mere Jeevan Saathi Maanta Oo Kalena La Daawaday!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Ee Mere Jeevan Saathi Maanta Oo Kalena La Daawaday!!

Mere Jeevan Saathi micno ahaan kan ugu dhow ama ugu saxsan waxuu noqonaa “Nolosheyda ayaa qeyb katahay” waxaa la daawaday maanta oo kale 3 Febraayo sanadkii 2006 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Akshay Kumar, Karisma Kapoor iyo Ameesha Patel.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan Laga Diiwangaliyay:

Xaqiiqada 1aad: Rani Mukerji ayaa ahed dooqa kowaad ee doorka Ameesha Patel Filmkaan kujishay.

Xaqiiqada 2aad: Filmkaan kudhowaad 5 sano  ayaa dib loo dhigay xiligii la daawan lahaa arimo gaar ah oo uu u xanibnaa aawged..

Xaqiiqada 3aad: Waxa filmkaan duubistiisa la dhameeyay sanadkii 2001 waxaana la rabay isla sanadkaas in la daawado balse hadana waxaa la qorsheyay in la daawado sanadkii 2004 hadana markale ayaa dib loo dhigay ugu dambena waxaa la daawaday 3 Febraayo sanadkii 2006 waxaana xusid mudan in mudadaas dib loo dhig dhigaayey wax laga bedelayey muuqaaladiisa muuqaalo cusubna lagu daraayey..

Xaqiiqada 4aad:Waxaa la sheegay in uu dagaal qabow ka dhaxeyay atirishooyinka kala ah Amesha Patel iyo Kareena Kapoor sida awged maadama Kareena iyo Karisma isla dhaashteen mashruucan dib udhaca ku yimid waxaa u sabab ahed Kareena oo aflaamteda ayaa xiliyada filmkaan la daawan lahaa ayadana kuweda la daawanayay marwalbana dib udhaca waa sii kordhaaayey…

Xaqiiqada 5aad: Heesaha filmkaan waxay noqdeen kuwa caan ah oo laga daba dhaca xiligooda…

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha Mere Jeevan Saathi Ugu Caansana….

Dhamaad…