Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Ee Sirftum Kaaso Sanjay Kapoor Amaan Lixaadleh Ku helay!!

Sirftum waa film jaceyl ah oo uu hogaamiye ka ahaa atooraha aflaamta jaceylka caan ku ah ee Sanjay Kapoor kaaso la dhashtay Anil Kapoor iyo Boney Kapoor.

Waxaa kaloo mashruucan doorar muhiim ah kuleh jilayaasha kala ah Priya Gill. Sushmita Sen Mohnish Bahl iyo kuwa kale waana film guul dhex dhexaad ah gaaray.

Halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Sanjay Kapoor oo dhamaadkii 90-kii aflaam badan ka guul dareesten waxuu wacad kumaray hadii Sirftum guul dareesto in uusan dib dambe film u sameyn doonin balse nasiib wanaag waa guulestay mashruucan.

Xaqiiqada 2aad: Sanjay Kapoor waxuu balan qaaday in uu Salman Khan film u maal galin doono markii uu filmkaan duubayey ilaa iyo hadana ma dhicin.

Xaqiiqada 3aad: Salman Khan iyo Jackie Shroff ayaa mashruucan muuqaal marti ah kuleh si qaas ah Jackie muuqaalkiisa wa mid la fidiyay.

Xaqiiqada 4aad: Waa filmkii kowaad ee ay isla sameyeen Sanjay Kapoor iyo Jackie Shroff.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii labaad ay kasoo muuqdeen Sanjay Kapoor iyo Salman Khan maadama Auzaar ay sanadkii 1997 isla sameyeen.

Xaqiiqada 6aad: Sirftum waxuu noqday Semi Hit waana mashruuc uu Sanjay Kapoor guushisa u baahna maadama aflamtisa inta badan dhamaadkii 90-kii ka guul dareesteen.

Dhamaad..