Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Socha Na Tha Kaaso Maanta Oo Kale La Daawaday!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Ah Socha Na Tha Kaaso Maanta Oo Kale La Daawaday!

Filmka Socha Na Tha waxaa Director ka ah Imtiaz Ali waana mashruuc jaceyl ah balse ganacsi ahaan guul darestay hase ahaate sheeko ahaan aad loo amanaay qaasatan kuwa sheekada filmada ka faalodan.

Waxaa hogaamiyaal ka ahaayen Abhay Deol iyo Ayesha Takia waxaana la daawaday maanta oo kale 4 Maarso sanadkii 2005, hadaba halkaan hoose kaga bogo xaqiiqada filmkaan laga diiwaan galiyay.

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan waxaa qarash gareye ka ahaa Super Star Dharmendra waxuuna u maal galiyay wiilka uu adeerka u yahay ee Abhay Deol dartiisa.

Xaqiiqada 2aad: Dharamji hada kahor waxuu soo caan bixiyay wiilkisa curadka ah ee Sunny Deol isagoo u maal galiyay Filmkiisa kowaad ee Betaab kaaso Blockbuster noqday sido kale waxuu film u maalgaliyey oo uu soo caan bixiyay wiilkisa labaad Bobby Deol filmkii Barsaat ee Super Hit-ka noqday markaan waa marki sedexaad ee uu wiilkisa sedexaad (Adeerka u yahay) uu soo caan bixyo kaaso ah Abhay Deol.

Xaqiiqada 3aad: Dharamji waxuu filmkaan ka filaayey sida labadiisa film ee hore Betaab iyo Barsaar inuu guul taariikhi ah gaarayo balse sidaas ma dhicin oo Flop ayuu noqday balse sheekada filmkaan mid heer sare ah ayee noqotay oo ilaa maantadan qoysaska aya daawadan filmkaan.

Xaqiiqada 4aad: Ayesha Taki waxay filmkaan saxiixatay iyadoo 16 jir ah ama sanadkii 2001 markaas oo ay jirtay 16 sano atirishadan halka markii filmkeda la daawanayeyna ay jirtay 20 sano.

Xaqiiqada 5aad: Filmkaan markii hore waxaa magac ahaan loo bixiyay Kabhi Socha Na Tha balse markii dambe ayaa laga bedelay oo Socha Na Tha kaliya ayaa loo bixiyay.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmka uu kusoo caan baxay Abhay Deol ama filmkiisa kowaad ee Bollywood ah ayuu ahaa mashruucan balse maanta daadka ayaa qaaday jilaagan oo saaxada Bollywoodka ayuu ka dhacay.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii kowaad ee filmsameye Imtiaz Ali Director ka noqdo aad ayaana loogu amaanay filmkaan sida uu isugu duba riday waxuuna ku xijiyay filmkii India oo dhan looga yaabay xidigan ee Jab We Met.

Dhamaad…