Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Iyo Dagaalka Isku Dhexjira Ah Dilwale (+VIDEO)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Iyo Dagaalka Isku Dhexjira Ah Dilwale (+VIDEO)

Waxaa maanta oo kale la daawaday filmka jaceylka iyo dagaalka isku dhexjira ah ee Dilwale kaaso tiyaatarada la saaray maanta oo kale 4 Febraayo sanadkii 1994.

Dilwale waxaa hogaamiyaal ka ahaayen Ajay Devgan, Suniel Shetty iyo Raveena Tandon waa mashruuc guul taariikhi ah gaaray sido kalena aad loo wada jecelyahay ilaa maantadan.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Dilwale:

Xaqiiqada 1aad: Dilwale waxuu noqday xiligii uu soobaxay Hit-kii ugu weynaa ee ay helaan Ajay Devgan iyo Suniel Shetty sido kale mushaarka aflaamta ay kusameynayaana wuu kordhay oo mushaar badan ayee sheegan jireen xiligaas..

Xaqiiqada 2aad: Suniel Shetty waxuu marwalba dhihi jiray in doorkisa aad loo yareyay maadama xiliga sheekada filmkaan loo soo bandhigayey door weyn looga dhigay halka markii filmka la duubayna doorkisa yaraaday sida guud filmkaanSuniel atoore caawiye ayuu ka yahay….

Xaqiiqada 3aad: Dilwale waxaa la daawaday 4 Febraayo sanadkii 1994 waxaana hogaamiyaal ka ah Ajay Devgan, Suniel Shetty, Raveena Tandon iyo Paresh Rawal waxuuna socona mudo 180 daqiiqo ah.

Dilwale sanadkii 1994 waxuu kamid noqday aflaamta lacaga ugu badan soo xareyan isagoo darajo ahaana noqday Super Hit weyn.

Xaqiiqada 4aad: Ajay Devgan amaan lixaad leh ayuu ku helay doorkisa maadama qaab jiliin aan horey loogu arag uu sanadkaas la yimid shaashadana dadka kaga yaabsaday, Devgan quluubta dad weynaha ayuu kasbaday waxaana loo aqoonsaday mid kamid ah atoorayasha taariikh ahaan qaab jiliinka ugu wanaagsan leh.

Xaqiiqada 5aad: Heesaha Filmkaan waxay noqdeen kuwa hirgalay oo gadmeen ilaa hadana waa heeso caan ah oo lawada jecelyahy..

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii ugu horeyay oo ay shaashada ku wadaagan Ajay Devgan iyo Suniel Shetty waana mashruuc ay abid ku faani doonan xidigahan.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii labaad oo ay wada sameyaan Ajay Devgan iyo Raveena Tandon maadama sanadkii 1993 ay wada sameeyn filmkii Ek Hi Raasta…

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha Ugu Caansan Filmkaan……

Dhamaad….