Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Raja Madhuri Dixit Iyo Sanjay Kapoor Bandhigooda Taariikhda Ma Ilaawi Doonto!!

Raja waa mid kamid ah aflaamta Bollywoodka sameyeen kuwooda ugu wanaagsan 90-kii sido kalena jaceylka ka hadlaayo waana mashruuc guul taariikhi ah gaaray.

Raja waxaa la daawaday maanta oo gale 2 June 1995 sido kalena Blockbuster weyn ayuu noqday ayadoo ay wax ka jileen jilaayasha kala ah Madhuri Dixit, Sanjay Kapoor, Paresh Rawal, Dalip Tahil iyo kuwa kale.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah mashruucan halkaan hoose kaga bogo:

Xaqiiqad 1aad: Nana Patekar ayaa ahaa dooqa kowaad ee doorka Paresh Rawal waliba muuqaalo kamid ah ayuu duubay balse waxay isku dhaceen Director Indra Kumar taaso kaliftay in Nana mashruuca laga saaro.

Xaqiiqada 2aad: Shah Rukh Khan ayaa aad u xiiseynaayey inuu filmkaan ka jilo doorka Paresh Rawal balse Director Indra waxuu doorkas la rabay Super Star Kamal Haasan.

Xaqiiqada 3aad: Indra Kumar mar waxuu ku fikiray in Tabu uu mashruucan kusoo daro balse hadana wuu katalo baxay qorshahaas.

Xaqiiqada 4aad: Film Sameyahan waxaa u diiwan gashnaa magaca Ishq oo uu rabay in uu mashruucan ugu magacaabo balse markii dambe Raja ayaa hirgashay in loo bixiyo filmka.

Xaqiiqada 5aad: Waaa Hit-kii ugu horeyay ee Sanjay Kapoor sameyo balse awooda filmka iyo hadal heyntiisaba waxaa la wareegtay Madhuri Dixit oo mashruucan ku gaday awoodeda oo xiligaas cirka mareysay sido kale dadyowga qaarkod waxay ku andacodeen sababta filmkaan Rani loogu bixin waayey halka Raja loogu magacaabay.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmki ugu horeyay ee ay kawada shaqeyaan Sanjay Kapoor iyo Madhuri Dixit sido kalena lawada jeclaaday markii ay sameyeen Raja bandhigooda cajiibka ah.

Xaqiiqada 7aad: Madhuri Dixit waxay filmkaan ugu tartantay abaal marint Filmfare qeybta atirishada ugu wanaagsan bandhigeeda cajiibka ahaa aawged.

Xaqiiqada 8aad: Paresh Rawal doorkisa saameyn weyn ayuu yeeshtay waana shaqsiga sedexaad ee filmka loo daawan karo inaba caadi ma aha sida uu ujilay Paresh doorkan amaan weyn ayuuna kuhelay.

Xaqiiqada 9aad: Raja waxuu noqday filmkii afaraad ee lacaga ugu badan kasoo xareyo Box-office-ka sanadkii 1995 waliba awooda Madhuri ayuu mashruucan ku gadmay sida lawada ogyahay.

Xaqiiqada 10aad: Heesaha filmkaan si waali ah aye u gadmeen hees walba oo filmkan kujirta saameyn weyn aye yeelatay ayadoo aad loogu waalna xiligooda waxaana xusid mudan in ilaa maanta la wada jecelyahay heesaha jaceylka filmkaan Madhuri iyo Sanjay.

Dhamaad…