Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Sedex Geesodka Ah Ee Chori Chori Chupke Chupke (+Video)

Chori Chori Chupke Chupke waxaa la daawaday shalay oo kale 9 Maarso sanadkii 2001 waana film jaceyl sedex geesod ah aadna looga jecel yahay daafaha caalamka.

Filmkaan waxaa wada jileen Salman khan, Rani Mukerji iyo Preity Zinta oo ahaayen hogaamiyaasha filmkan sido kale dhanka Box-office-ka guul wacan ayuu ka gaaray maadama uu noqday Semi Hit.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan waxaa markii hore loo qorsheyay in la daawado sanadkii 2000 balse dhanka dhaqaalaha awged waxaa dhacday inuu dib u dhaco waxaana la daawaday sanadkii xigay ee 2001.

Xaqiiqada 2aad: Salman, Rani, iyo Preity waxay 4 bil kahor intaan filmkaan la daawan wada sameyeen fimkii Har Dil Jo Pyaar Karega sidaa awged Chori Chori Chupke Chupke waxuu noqday mashruuci labaad ee ay xidigahan ku midoweyn mudo isku dhow.

Xaqiiqada 3aad: Shah Rukh Khan ayaa loo bandhigay inuu filmkaan hogaamiye ka noqdo balse filmo kale oo uu duubayey xiligaas aawged wuu ka cudurdaartay xidigaan inuu sameyo mashruucan.

Xaqiiqada 4aad: Rani Mukerji walaalkeda rasmiga ah ee nolosha caadiga ah ayaa filmkaan kasoo muuqanaya waxuuna ku leeyahay muuqaal marti ah magaciisana waxaa lagu magacaba Raj Mukerji.

Xaqiiqada 5aad: Heesaha filmkaan waxay noqdeen kuwa hirgaalen aadna loogu waalna xiligooda in la dhageysto ama la daawado.

Xaqiiqada 6aad: Salman Khan iyo Rani Mukerji filmkaan kahor waxay isla sameyeen filmada kala ah Hello Brother, Kahin Pyaar Na Ho Jaaye, Har Dil Jo Pyaar Karega Iyo Kuch Kuch Hota Hai inkastoo Kuc Kuch Hota Hai aysan muuqaal shaashada wadaagenin.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii labaad ee ay isla sameyaan Salman iyo Preity halka filmkoda kowaad uu ahaa Har Dil Jo Pyaar Karega.

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha FIlmkaan Ugu Caansan:

 

Dhamaad: