Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Jaceylka Sedex Geesodka Ah Ee Yeh Dillagi (+Video)

Yeh Dillagi waa mashruuc jaceyl ah oo ay ku midoweyn jilaayasha kala ah Akshay Kumar, Saif Ali Khan iyo Kajol waxaana la daawaday maanta oo kale 6 May sanadkii 1994.

Yeh Dillagi waa film guul wacan gaaray oo Hit dhamestiran noqday waliba doorarka jilayaasha mid walba amaan lixaad leh ayuu ku helay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo xaqiiqada filmkaan laga diiwaan galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Super Star Akshay Kumar markii ugu horeysay ayuu ugu tartamay filmkaan abaal marinta Filmfare Awards qeybta atooraha ugu wanaagsan balse waxaa ku guulestay Nana Patekar oo filmkiisa Kranti lagu siiyay abaal marintaan.

Xaqiiqada 2aad: Waa mid kamid ah filmada ay wada sameyeen Akshay kumar iyo Saif Ali Khan 90-kii misane guusha gaaren.

Xaqiiqada 3aad: Waa filmka kaliya ee ay Kajol la sameysay Akshay Kumar iyo Saif Ali Khan oo wadajir ah balse Saif si gooni ah wey ula shaqeysay xidigtaan.

Xaqiiqada 4aad: waa filmka kaliya ee ay abid shaashada iskala soo muuqden Akshay kumar iyo Kajol dib dambana uma wada shaqeynin.

Xaqiiqada 5aad: Kajol filmkaan bandhigeda cajiibka ah waxay  ugu tartantay abaal marinta Filmfare Awards qeybta atirishada ugu wanaagsan balse Madhuri ayaa ku qaadatay bandhigeda filka Hum Apke Hain Koun.

Xaqiiqada 6aad: Akshay Kumar door kucusub ayuu filmkaan ku jilay kaaso ah nin hantiile ah misane degen aad u xishod badan hadana jaceyl jilaayo waxaana xaqiiq ah in waayadas Akki waxyaabahas lagu aqoonin inta badanaa dagaal iyo fuded badan shaashada ku jili jiray.

Xaqiiqada 7aad: Intii duubista filmkaan socotay waxaa filmka loo bixiyay Dillagi kaliya balse marki la dhameyay howsha mashruucan waxaa loo bixiyay Yeh Dillagi oo ku habooned sida ay is tuseen kooxda filmka.

Xaqiiqada 8aad: Lata Mangeshkar oo kamid ah heesayaasha ama fanaaniinta dunida ugu caansan ayaa filmkaan 4 hees hal maalin u duubtay ayadoo qof weyn oo da’ ahed.

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesaha Ugu Caansan Filmkaan:

Dhamaad..