Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Khiladi 786 Kaaso Akshay Kumar Bollywoodka Kuxasuusiyay Inuu Khiladi Kumar Yahay!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Khiladi 786 Kaaso Akshay Kumar Bollywoodka Kuxasuusiyay Inuu Khiladi Kumar Yahay!!

Waxaa maanta ookale 7 December 2012 la daawaday filmka Actionka ah ee Khiladi 786 kaaso uu Super Star Akshay Kumar ku muujiyay inuu wali yahay Khiladi Kumar.

Waxaa filmkaan hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Asin iyo Mithun Chakraborty waana film qosol iyo dagaal isku dhexjira ah.

Director-ka filmkaan waa Ashish R Mohan halka maalgaliye ay ka tahay Akshay Kumar xaaskisa Twinkle Khanna dhanka Box Officekana Average ayuu ka noqday ama film guulestay ganacsi ahaan.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Khiladi 786:

Xaqiiqada 1aad: Akshay Kumar ayaa la soolaabtay taxanihiisa magaca Khiladi mudo 12 sano ah kadib maadama filmkii ugu dambeyay uu ahaa Khiladi 420 kaaso la daawaday 2000.

Xaqiiqada 2aad: Waa Filmkii 8aad ee Super Star Akshay Kumar Keeno Kaaso Magaca Khiladi wata waxaana filmkaan kahor aan aragnay aflaamta magaca khiladi wataan sida Khiladi, Sabse Bada Khiladi, Main Khiladi Tu Anari, Khiladiyon ka Khiladi, Mr. & Mrs. Khiladi, International Khiladi and Khiladi 420.

Xaqiiqada 3aad: Atiriishoyinka kala ah Nagris Fakhri,Diana Penty and Illena Dcruz ayaa ahaayen dooqa koowaad ee atiriishonimo filmkaan balse Asin ayaa calaf uyeelatay.

Xaqiiqada 4aad: Akshay Kumar ayaa filmkaan laba door ama labo waju kumatalaayo waana mid kamid ah aflaamta uu labada waji kumatalay.

Xaqiiqada 5aad: Himesh Reshamiyaa oo filmkaan door caawiye ah kuleh ayaa sido kale maalgaliye ka ah maadama uu Twinkle Khanna la maalgaliyay filmkaan.

Xaqiiqada 6aad: Marka aan filmka daawaneno waxaan arkena Akshay oo arooskisa imaanayan qoyskiisa iyo asaxaabtisa ayagoo qaab Punjab ah leh sido kalena qaar kamid ah asaxaabtisa ayaa dhahayaan waxaan rabaan inaan aadno guriga Dharmendra taasi waxay kutusineysa jaceylka waalida ah ee reer Punjab ka u qabaan Super Star Dharmendra waxyaabahana aan sheegnay filmka dhexdiisa ayee dhacayaan.

Xaqiiqada 7aad: Ninka Modelka ka shaqeya ee German udhashtay laguna magacaabo  Claudia Ciesia ayaa filmkaan kasoo muuqanaya qaasatan heeska Balma.

Xaqiiqada 8aad: Heesaha Balma and Hookah waxay noqdeen Hit waaweyn markii filmkaan la daawanayey daawadayaashana aad ayee oga heleen heesahan.

Xaqiiqada 9aad: Salman Khan and Amitabh Bachchan ayaa markii hore la rabay inee filmkaan hogaamiyaan balse markee suurto gal noqon weysay ayaa waxaa lagu bedelay Akshay Kumar and Mithun Chakraborthy.

Xaqiiqada 10aad: Waa filmka uu kusoo laabtay dhanka Bollywoodka halyeeyga lagu magacaabo Mukesh Rish kadib markii uu mudo ka maqnaa hawada.

 

Dhamaad……..

 

 

One Response to Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Khiladi 786 Kaaso Akshay Kumar Bollywoodka Kuxasuusiyay Inuu Khiladi Kumar Yahay!!

  1. Yaya Reply

    December 8, 2017 at 11:18 am

    Thank you filimside
    Sidoo kale bishaan 22Dec 2006 wax waxaa Ladaawadat filimkii Shactirada badnaa ay hoganka uhayeen Govinda, akshay kumar iyo paresh rawal Re Bhagam bhag Haday macquul tahay 22bishaan nalaWadaga Xaqiiqoyin u gaar ah filimkaan
    #Mahadsanidin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *