Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Paa Ee Amitabh Bachchan Taarikhda Lama Ilaawanka Ah Ku Dhigay!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Paa Ee Amitabh Bachchan Taarikhda Lama Ilaawanka Ah Ku Dhigay!!

Paa waa mid kamid aflaamta Amitabh Bachchan abid laga xasuusan doono maadama xidigaan qaab jiliin cajiib ah uu kusoo bandhigay filmkaan.

Paa waxaa hogaamiyaal kawada ah Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan iyo Vidya Balan waxaana la daawaday maanta ookale 4 Dec sanadkii 2009.

Waxaa Director ka ah filmkaan R.Balki halka ay maalgaliyaal ka yihiin Amitabh Bachchan iyo wiilkiisa Abhishek Bachchan waana film guulestay dhanka Box-officeka oo Semi Hit noqday.

Fadlan Halkaan Hoose kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan……….

Xaqiiqada 1aad: Amitabh Bachchan wuxuu filmkaan ku matalaa wiil yar kaaso aabihiis ah Abhishek Bachchan (Abhisehk wuxuu filmkaan kumatalaa aabo wuxuuna aabo u yahay Amitabh Bachchan).

Xaqiiqada 2aad: Make-upka Big B filmkaan loo marinaayey iyo waxyaabaha kale ee lagu bedelaayey muuqaalkiisa rasmiga ah taaso looga dhigaayey wiil yar waxay qaadatay intii Make-upkaas loo marinaayay mudo 6 saacadood ah.

Xaqiiqada 3ad: Amitabh Bachchan Wuxuu filmkaan ku qaatay abaal marinta atooraha Bollywoodka ugu wanaagsan ee ay Filmfare bixiso waana markii 5aad ee uu xidigaan ku guuleysto abaal marintaa.

Xaqiiqada 4aad: Sido kale Vidya Balan ayaa filmkaan ku qaadatay abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan Bollywoodka ee Filmfare bixiso waana markii koowaad ee ay hesho xidigtaan abaal marintaan bandhigeda wacnaa ee filmkaan…

Xaqiiqada 5aad: Big B wuxu sido kale hantay abaal marinta National film award qeybta atooraha ugu wanaagsan waana markii 4aad ee uu biladan ku guuleysto xidigaan…

 

Dhamaad,,,,,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *