Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Priyanka Iyo Ranveer Ku Walaalowen Dil Dhadakne Do!!

Dil Dhadakne Do waxaa la daawaday maanta oo kale 5 June sanadkii 2015 waana film ka hadlaayo arimaha qoyska oo hab shactiro ah loo sameyay waxaana isugu imaaden filmkaan jilayaasha kala ah Ranveer Singh, Anil Kapoor, Priyanka Chopra, Anushka Sharma iyo kuwa kale.

Mashruucan lacago waali ah ayaa lagu sameyay taaso kaliftay in uu ganacsi ahaan guul dareesto, hadaba waxaan idin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah filmkaan halkaan hoose kaga bogo.

Xaqiiqada 1aad: Kareena Kapoor Khan ayaa filmkaan iska diiday iney sameyso kadib markee ogaatay in ina adeerked Ranbir Kapoor mashruucan laga saaray maadama Ranbir lagu bedelya Ranveer sidaa awged ayadana wey isaga baxday waxaana doorkeda lagu bedelay Priyanka Chopra.

Xaqiiqada 2aad: Mashruucan markii hore waxaa loogu talo galay iney wada jilaan xidigaha kala ah Hritik Roshan, Ranbir Kapoor, Katrina Kaif iyo Kareena Kapoor balse ma dhicin midaas inkastoo xiiso yeelan lahed hadii afartooda la isugu keeni lahaa filmkaan.

Xaqiiqada 3aad: Atirishooyinka waaweyn ee kala ah Sridevi iyo Madhuri Dixit ayaa loo bandhigay inee filmkaan wax ka jilaan balse labadoodaba wey iska diideen.

Xaqiiqada 4ad: Waa filmkii sedexaad Ranveer Singh iyo Anushka Sharma lamaane shaashada ku jilaan ayagoo horey lamaane shaashada ugu jileen filmkii Band Baaja Baaraat iyo Ladies Vs Ricky Bahl

Xaqiiqada 5aad:Anil Kapoor ayaa filmkaan ku qaatay abaal marinta atoore caawiyaha ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare bixiso.

Xaqiiqada 6aad: Priyanka Chopra iyo Farhan Akhtar ayaa ku heesen ama codkooda ugu heesan heeska filmka magaciisa ah ee Dil Dhadakne Do.

Xaqiiqada 7aad: Anil Kapoor muuqaalkisa dadka iyo saxaafada wuu ka qarin jiray intii ay socotay duubista mashruucan maadama door waalidnimo uu ku jilaayey filmka.

Xaqiiqada 8aad: Aamir Khan ayaa u hadlaayo ama codkiisa siinayo eey filmka kujiro ee lagu magacaabo Pluto.

Dhamaad..