Home » XAQIIQOOYINKA FILIMADA » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Qahar Ee Suny Deol, Suniel Shetty Iyo Armaan Kohli Actionka Heerka Sare Kusoo Bandhigeen!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Qahar Ee Suny Deol, Suniel Shetty Iyo Armaan Kohli Actionka Heerka Sare Kusoo Bandhigeen!!

Maanta ookale 5 Dec sanadkii 1997 waxaa tiyaatarada la saaray filmka Qahar ee ay wacdaraha ku dhigeen xidigaha kala ah Suny Deol, Suniel Shetty Iyo Armaan Kohli.

Filmkaan waxaa Directir ka ah Rajkumar Kohli sido kalena isaga ayaa maalgaliye ka ahaa waana film dagaal ah oo dhanka Box-officekana ka guulestay maadama uu noqday Average.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Sunny Deol wuxuu qaatay 50 Lakh xiligaas asigoo duubista filimka Qahar ku lahaa 15-maalmood waana lacag aad u badneyd sanadii 1995 madaama atoorayaasha badankooda filim dhameestiran 50 Lakh ilaa 40 Lakh ku sameyn jireen.

Xaqiiqada 2aad: Filmsameye Rajkumar Kohli ayaa la saxiixday Sunny iyo Suniel si ay door muhiim ah ugu yeeshaan filimka Qahar ee dib loogu soo celinaayay wiilkiisa Arman oo markaas awoodiisii lumeesay.

Xaqiiqada 3aad: Suniel Shetty isagana wuxuu qaatay 30- Lakh xiligaas duubista filimka Qahar wuxuuna ku lahaa jadwal ahaan mudo 30-maalmood ah duubista filimkaan.

Xaqiiqada 4aad: Star Power-ka Sunny Deol waxay ahayd xiligaas mid aan loo dhawaan karin waayo filimka uu kasoo muuqdo wuxuu ku furmi jiray nidaamka Pumper-opening loo yaqaan oo ah in filimka 80% ilaa 100% ku furmo.

Xaqiiqada 5aad: Rajkumar Kohli lacagtiisa kama lumin madaama awoodii Sunny iyo Suniel  filimkaan ku bad baaday asigoo Average noqday, Armaan Kohli inkastoo uu atoore ka ahaa hadana filimkaan waxaa gadeen labadii caawiyaha ka ahaayeen.

Xaqiiqada 6aad: Filmkaan markii hore magaciisa wuxuu ahaa Jeene Nahin Doonga. balse gadaal dambe aya looga bixiyay magaca Qahar.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii ugu horeyay oo ay ku midowaan xidigaha kala ah Sunny Deol, Suniel Shetty iyo Atooraha xiligaas magac doonka ahaa ee Armaan Kohli.

Xaqiiqada 8aad: Waa filmki 2aad oo ay ku midowaan xidigaha kala ah Sunny Deol iyo Suniel Shetty maadama filmkaan kahor ay shaashada siwadajir ah isagala soo muuqden filmka Border kaaso asna la daawaday isla sanadkii 1997 balse bilooyin ka horeyay filmka Qahar.

Micnaha Border waxaa tiyaatarada la saaray 13 Jun 1997 halka Qahar tiyaatarada la saaray 5 Dec 1997 waana filmka labaad oo ay kasoo wada muuqdaan xidigahan.

 

Dhamaad,,,,,,,,,,

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *