Rakshak (Difaace) waa mid kamid ah aflaamta Actionka ah ee la daawaday 90kii waxaana hogaamiyaal ka ah Suniel Shetty iyo Karisma Kapoor.

Filimkaan waxaa la daawaday 29 Nov ee aan soo dhaafnaysanadkii 1996 waana laso daahnay macluumaadkiisa mashruucan inkastoo filimkaan ganacsi ahaan guuldarestay hadana bandhigii wacnaa ee Suniel amaan lixaad leh ayuu ku helay.

Director and Producer: Ashok Honda.

Hoos Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Rakshak Kaaso Maanta Ookale La Daawaday:

Xaqiiqada 1aad: Heeska ‘Shehar Ki Ladki’ waxaa markii hore lala rabay inee duubto Karisma balse waxaa isku dhacay Karisma iyo maalgaliyaha filimkaan Ashok sidaa awged Raveena ayaa lagu sharfay oo heeskaan kasoo muuqatay.

Xaqiiqada 2aad: muran ayuu dhexda ka galay filimkaan kadib markii tiyaarada la saaray waxaana kamid ahaa inj Ashok oo filimkaan iska lahaa ku doodayey in Karisma ay filimkaan mar diiday ayadoo sheegtay iney fursad u heynin.

Xaqiiqada 3aad: Anil Kapoor ayaa ahaa dooqa koowaad ee filimkaan balse ma dhicin arimo aan la garaneynin aawged waxaana filmkaan markii dambe hogaamiye ka noqday Suniel Shetty.

Xaqiiqada 4aad: Waa dib usameynta filimka koonfurta ah ee ‘Honest Raj’ kaaso ay hogaamiyaal ka ahaayen Vijaykanth, Aamani and Gautami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here