Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shahid Kapoor Lajeclowga Kunoqday Ee Romeo Rajkumar!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shahid Kapoor Lajeclowga Kunoqday Ee Romeo Rajkumar!!

Romeo Rajkumar ama R… Rajkumar waxaa la daawaday maanta ookale 6 Dec sanadkii 2013 waxaana hogaamiyaal ka aha Shahid Kapoor, Sonakshi Sinha iyo Sonu Sod.

Waxaa Director ka ah Prabhu Deva halka uu maalgaliye ka yahay Viki Rajani waana film dhanka Box-officeka ka guulestay maadama u noqday Average:

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaara Ah R… Rajkumar Maanta Ookale La Daawaday: 

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan markii hore waxaa loo bixiyay magaca Rambo Rajkumar balse magaca Rambo waa magaca taxane film ah oo Hollywood iska lahaayen sidaa awged waa laga bedelay markii dambe ayadoo loo bixiyay Romeo Rajkumar.

Xaqiiqada 2aad: Heesaha Gandi Baat and Saree Ke Fall Se waxay noqdeen heeso laga dabo dhaco waxaana dhacday markii heesahan lasoo bandhigay kadib oo filmkii tiyaatarada la saaray in dadka heesahan dartooda usoo daawasho tageen filmkaan.

Xaqiiqada 3aad: Shahid Kapoor magaca filmkaan ee Romeo Rajkumar waa lala daba kacay oo magacan ayaa in mudo ah loogu yeeri jiray ayadoo aad looga helay doorkaas uu filmkaan kujilay.

Xaqiiqada 4aad: Filmkaan dib ayaa loo daawaday kadib markii dalabaadyo kala duwan ay ka yimaaden dad weynaha dhankooda balse waa marka uu 50 maalmood Box-officeka ganacsi kasameyay kadib waxaana dhacday in filmkaan dhowr meel oo kala duwan laga daawaday.

Xaqiiqada 5-aad: Shahid Kapoor ayaa gubasho halis ah ka baad baaday inta duubista filimkaan socotay xili ficilo halis ah oo sameenayay xidigaan.

Xaqiiqada 6-aad: Filimkaan waxaa la dhigay madxafka keedak filimada Hollywood-ka qaybta Oscarta cilimi baarista qaabilsan (Academy of Motion Picture Arts and Sciences) waxaana halkas la dhigaa filimada caanka ah si marka cilmi baaris fanka ah la sameenayo wax looga xigto waana filimka 5-aad ee Bollywood ah oo lasoo codsaday in madxafka Oscar-ka la dhigo  Lagaan, Heroes (2008 ), Rock On!!, iyo Guzaarish.

Dhamaad…..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *