Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shikhar Oo Ay Bandhig Cajiib Ah Kusoo Bandhigeen Ajay Iyo Shahid!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Shikhar Oo Ay Bandhig Cajiib Ah Kusoo Bandhigeen Ajay Iyo Shahid!!

Shikhar waa film maanta oo kale taariikhda markee ku beegneyd 30 Dec sanadkii 2005 la daawaday waxaana hogaamiyal ka ahaayen Ajay Devgan, Shahid Kapoor, Bipasha Basu iyo Amrita Rao.

Filmkaan ganacsi ahaan wuu burburay balse qaab jiliin ahaan waa mid lagu amaanay xidigahan, fadlan halkaan hoose kaga bogo xaqiiqada filmkaan laga diiwaan galiyay.

Xaqiiqada 1aad: Filmsameye Subhash Ghai ayaa sanadkii 1997 qorsheyay in film magaciisa la dhahaayo Shikhar uu hogaamiye kaga dhigo SRK, Jackie Shroff iyo Aishwarya Rai Bachchan balse mashruucan ma noqon mid socda oo waa la iska dhaafay sida awged magacii filmkaas loo qorsheyay waxaa loo bixiyay filmkaan.

Xaqiiqada 2aad: Director-ka filmkaan waxuu doorka Javed Shaikh markii hore la rabay atooraha England u dhashtay ee  Ben Kingsley.

Xaqiiqada 3aad: Markii hore magaca filmkaan waxaa loo qorsheyay in loo bixiyo Jeevansh balse markii dambe ayaa magacan Shikhar loo bixiyay.

Xaqiiqada 4aad: Govinda ayaa loogu talo galay markii hore doorka Ajay filmkaan kulahaa balse Govinda ayaa xiliga filmkaan la duubayo kaso dib dhici jiray marwalba wuuna soo daahi jiray sidaa awge Director-ka filmka Govinda mashruucan dhan wuu ka saaray Ajay Devgan ayuuna la saxiixday.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii ugu dambeyay John Matthew Mathan iyo Farha ay kawada shaqeyaan.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii ugu horeyay abid ay Ajay Devgan iyo Shahid Kapoor ka wada shaqeyaan.

 

Dhamaad….