Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Udta Punjab Ee La Daawaday Maanta Oo Kale!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Udta Punjab Ee La Daawaday Maanta Oo Kale!!

Udta Punjab waa film ka hadlaayo arimo dambiga sido kalena shactiro lagu dhex daray waxaana wada jilayaan Shahid Kapoor, Alia Bhatt, Kareena Kapoor Khan, Diljit Dosanjh waana film guul wacan gaaray.

Hadaba mashruucan waxaa la daawday maanta oo kale 17 June sanadkii 2016 waxaana laga diiwaan galiyay xaqiiqooyin u gaar ah fadlan halkaan hoose kaga bogo…

Xaqiiqada 1aad: Waa filmka uu kusoo caanbaxay dhanka Bollywoodka jilaaga Diljit Dosanjh kaasi oo ah jilaa reer Punjab sido kalena ah heesaa caan ah.

Xaqiiqada 2aad: Abhishek Bachchan ayaa markii hore saxiixday doorka Diljit balse markii dambe wuu isaga baxay mashruucan sababo aan la ogen..

Xaqiiqada 3aad: Muuqaalka Shahid Kapoor ee filmkaan waxaa laga soo xigtay muuqaalka jilaaga David Spade ee uu kujilay filmka Hollywoodka ah Joe Dirt.

Xaqiiqada 4aad: Diljit Dosanjh kahor inta uusan saxiixanin doorka filmkan waxaa la isla dhexmarayaayey Ayushmann Khurrana iyo Emraan Hashmi midkood inuu sameen doono doorkas.

Xaqiiqada 5aad: Fawad Khan ayaa markii hore lala rabay doorka Shahid Kapoor balse Shahid ayaa calaf u yeeshtay sidaasna ku sameyay doorkan adag..

Xaqiiqada 6aad: Alia Bhatt waxay mashruucan ku qaadatay abaal marinta Filmfare qeybta atirishada ugu wanaagsan bandhigeeda filmka oo heer sare ahaa.

Xaqiiqada 7aad: Shahid Kapoor waxaa lagu siiyay filmkaan abaal marinta atooraha qaab jiliin wanaagsan la yimid ama kaalinta labaad ee abaal marinta atooraha ugu wanaagsan ayu galay waxaana la siyay abaal marinta loo yaqaan (Best Actor Critics).

Dhamaad…