Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Zulmi Ee Akshay Kumar Iyo Xaaskisa Twinkle Khanna Wada Jileen (+Video)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Zulmi Ee Akshay Kumar Iyo Xaaskisa Twinkle Khanna Wada Jileen (+Video)

Zulmi waa film Action ah oo ay ku midoweyn lamaanaha nolosha dhabta ah ku midoweyn ee Akshay Kumar iyo xaaskisa Twinkle Khanna balse markee filmkaan duubayen ay ahaayen lamaane caadi ah.

Zulmi waxaa la daawaday maanta oo kale 16 April sanadkii 1999 waana mashruu guul darestay ganacsi ahaan sido kalena sheeko ahaan aad loo dhaliilay.

Zulmi marka laga soo tago Akki iyo Twinkle waxaa kaloo doorar muhiim ah kuleh Amrish Puri, Milind Gunaji iyo Dara Singh halka uu Director ka ahaa Kuku Kohli.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Filmkaan Laga Diiwaan Galiay:

Xaqiiqda 1aad: Filmkaan waxaa loogu talo galay in la daawado sanadkii 1997 balse dib udhac ku yimaanayey duubistisa waxay kaliftay in la daawado sanadkii 1999.

Xaqiiqada 2aad: Waa filmkii labaad ee ay wada sameyaan Akshay kumar iyo Twinkle Khanna kadib filmkooda Intertnational Khiladi kaaso isla sanadkaas la daawady.

Xaqiiqada 3aad: Zulmi waa filmka ay isku jeclaaden Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna intii ay duubistiisa wadeen aad ayeena isaga heleen waxana dhacday markii ay filmkaan dhameyeen in la isku xanto guurkoda xiliga uu dhici doono.

Xaqiiqada 4aad: Heesaha Filmkana ma wada gadmin balse qaar kamid ah sida heeska Tere Badmaashiyan waxay noqotay hees laga daba dhaco oo xiligeda aad loo xiiseyn jiray.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii 7aad ee ay wada sameyeen Akshay Kumar iyo Amrish Puri maadama 6 film ee horey wada sameeyeen 90-maadkii.

Xaqiiqada 6aad: Filmkaan ganacsi ahaan waxuu noqday mid lagu qasaaray asigo noqday Flop xiligaasna Akshay waxay saxaafada u bixiyeen ubax qalalay oo aan dib loo qooyn Karin balse dadaalkisa badnaa awged waxuu isla sanadkaan helay aflame u guulesteen sida Jaanwar iyo Sangrash inkastoo dhamaadkii 90-maadki filmo badan Flop ka noqdeen.

Xaqiiqada 7ad: Filmkaan waxaa isku maalin tiyaatarada lala saaray filmka jaceylka ah ee Silsila Hai Pyar Ka balse labada film dagaalkii ay BOI kudhex sameyeen waxuu kalifay in ay labadoodaba ganacsi ahaan guul darestaan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Heesa Zulmi Ugu Caansan:

Dhamaad..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *