Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkii Ugu Horeyay Ay Kasoo Wada Muuqdaan Akshay Kumar Iyo Ajey Devgan Ee Suhaag!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmkii Ugu Horeyay Ay Kasoo Wada Muuqdaan Akshay Kumar Iyo Ajey Devgan Ee Suhaag!!

Suhaag waa mid kamid ah aflaamta 90kii ugu waaweyneyd ee ay Bollywoodka sameyaan filimkaan waxaa isugu yimaadeyn 2 Super Star oo maanta maqaam sare fanka Hindiya ka gaareyn Akshay Kumar Iyo Ajey Devgan balse xiligaas awooda ay maanta leyihiin aysan lahen.

Maadama filimkaan la daawaday 4 Nov ee sanadkii 1994 waxaan idinka raali galineynaa inaan lasoo daahnay xaqiiqadiisa waayo 4 Nov waa laso dhaafay maalinke ku begneyd sanad guuradiisa filmkaan.

Hogaamiyaasha filimkan: Ajey Devgan, Akshay Kumar, Karisma Kapoor iyo nagma waxaa Director ka ah Kuku Kohli halka uu soosaare ama maalgaliye uu ka ahaa Balraj Irani natiijada uu Box Officeka ka gaarayna waa Hit

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Suhaag Oo Aan Idiin Soo Diyaarinay:.

Xaqiiqada 1aad: Waxaa markii hore la rabay in Akshay Kumar iyo Karisma shaashada jaceyl ku matalaan waliba heeska Gore Gore Mukre waxaa la rabay inee Karisma wax ka jisho balse khilaaf ka dhaxeyay Karisma iyo soosaraha filimkaan ayaa kaliftay in gabi ahaanba heeskaan laga saaro xidigtaan waxaana lagu bedelay Nagma maadama heeskaan ahaa shaqadii ugu horeysay oo filimkaan laga qabto sido kalena Karisma waxa atariisho looga dhigay Ajey doorkeda waa la yareyay xidigtaan ayadana markii la weydiyay waxba kama ogeyn arinkaan aye dhahday.

Xaqiiqada 2aad: Codka atariishada karisma Kapoor filmkaan kuma maqleysid waayo gabar kale ayaa u codeysay xidigtaan marnaba codkeeda rasmiga ah kuma soo bandhigin atariishadan.

Xaqiiqada 3aad: Sido kale Super Star Akshay Kumar asna haafka dambe ee filimkaan waa loo codeyay maadama maalgaliyaha filimkaaniyo Akki  iskud dhaceyn sidaa awged Akki wuu diiday inuu codeyo qeybta dambe filimkaan.

Xaqiiqada 4aad: Waa Filimkii ugu horeyay oo ay ku midowaan Akshay Kumar iyo Ajey Devgan wuxuuna noqday filimkaan Hit weyn aadna ilaa maanta loo jecelyahay.

Xaqiiqada 5aad: Heeska¬†” Tana Tana Tana Nana” wuxuu noqday hees caan ah oo laga dabo dhaco xiligaas wuxuuna galay liiska heesaha Akshay Kumar kuwooda ugu fiican.

Xaqiiqada 6aad: Suhaag wuxuu kamid ahaa filimadii ugu dambeyay ee ay wada sameyeen Ajey Iyo Karisma maadama xiriirkooda xiligaas dhamaaday.

Dhamaad…..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *