Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Govinda Filmkiisa Chalo Ishq Ladaaye: Qosol Iyo Jaceyl Isku Dhexjira Ugu Imaaw!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Govinda Filmkiisa Chalo Ishq Ladaaye: Qosol Iyo Jaceyl Isku Dhexjira Ugu Imaaw!!

Chalo Ishq Ladaaye waxaa la daawaday shalay oo kale 27 Dec sanadkii 2002 waana film jaceyl iyo qosol isku dhex jira ah balse ganacsi ahaan dhulka galay maadama uu noqday Disaster.

Filmkaan waxaa wada jilayaan Govinda, Rani Mukerji, Johny Lever, Kader Khan,Gulshan Grover iyo kuwa kale waxaana Director ka ah Aziz Sejawal halka uu maalgaliye ka yahay Mehta.

Fadlan Xaqiiqooyinka Filmkaan Hoos Kaga Bogo:

Xaqiiqada 1aad: inta filmkaan la daawanaya xili walba waxaad arkeysaa Govinda Iyo Kader Khan oo film Bollywood ah magaciisa ku dhawaaqayan.

Xaqiiqada 2aad: Bollywood Action Hero Suneil Shetty ayaa filmkaan muuqaal marti ah kuleh, hadii aad daawatay filmkaan dabcan waad aragtay Suneil.

Xaqiiqada 3aad: Arbaaz Khan aya filmkaan door kulahaa balse doorkisa waxaa la wareegay oo lagu bedelay Sanjay Suri.

Xaqiiqada 4aad: Music-da iyo leexanka filmkaan waxaa iska lahaayen Himesh Reshammiya Iyo Sameer kuwaaso ah Music-yaqaan 90kii iyo bilawgii qarnigaan caan ahaa.

Xaqiiqada 5aad: Waa dib usameynta filmka Hollywoodka ah ee Throw Mama From The Train kaaso la daawaday sanadkii 1987.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii sedexaad oo ay wada sameyaan Govinda iyo Rani Mukerji maadama filmkaan kahor ay wada sameyeen Hadh Kar Di Aapne (2000) iyo  Pyaar Diwana Hota Hai (2002).

Dhamaad…..