Xaqiiqooyin U Gaar Ah Mr.Prefectionist Aamir Khan Filmkiisa Action-ka Ah Ee Baazi (+Video)

Baazi waa film Action ah oo uu Aamir Khan ku jilaayo askari daacad ah kaaso tuugada dabar goynaayo waxaana doorar muhiim ah kuleh mashruucan Mamta Kulkarni, Paresh Rawal, Mukesh Rishi, Raza Murad iyo jilayaal kale.

Fadlan mashruucan xaqiiqada laga qoray ee aan idiin soo aruurinay halkaan hoose kaga bogo:

Xaqiiqada 1aad: Aamir Khan doorkisa filmkaan uu kujilay iyo kartida qaab jiliin ahaaned waxaa ka helay oo soo dhaweyay Director John Mathew waxuuna u dhiibtay oo uu la saxiixday filmkiisa Sarfrosh sida aawged Aamir Sarfrosh inuu jilo waxaa sabab u ahaa Baazi.

Xaqiiqada 2aad: Aamir Khan dadaal badan ayu u maray inuu isku ekeesiyo gabar xili Paresh Rawal uu naag isaga dhigaayo muuqaalkas si uu u keeno Aamir dadaal badan ayuu u maray isago Make-up badan maalin walba isticmaalayey waliba waxaa la sheegay maalin walba  5 saacadod Inee Make-up umar sanaan jirtay oo u isticmaalayey maalmihi uu muuqaalkas duubayey.

Xaqiiqada 3aad: Salman Khan ayaa filmkaan loo bandhigay inuu hogaamiye ka noqdo balse wuu ka cudur daartay maadama uu sheegay inuu mashquul yahay oo uu filmo kale duubayo.

Xaqiiqada 4aad: Muuqaalka uu Aamir Khan ku qayaamayo Mamta ninka dilka beenta ah uu dilayo iyadana dalka inuu ka wado doonayo waxaa muuqaalkas oo dhan laga soo Copy-gareyay Michael J Fox Flmkisa Hollywoodka ah sido kale Akshay Kuma iyo Saif Ali Khan muuqaalkas oo kale aye sameynayaan filmka Main Khiladi To Anari ee la daawaday sanadkii 1994.

Xaqiiiqada 5aad: Kunika oo atirisho ahed ayaa door kulahed mashruucan balse waa laga bedelay ayadoo lagu bedelay Navreet Nishan  taaso ah gabadhii kujirtay filmka Raja Hindustani ee qaabka wiilka iska dhigeysay.

Xaqiiqada 6aad: Muuqalo dhowr ah ee kujiraan filmkaan waxaa laga soo qaatay filmka Hoilywoodka ah ee Patriot Game.

Xaqiiqada 7aad: Inkastoo mashruucn ganacsi ahaan guul darestay oo uu Flop noqday hadana heesihisa qaarkod ayaa aad loo soo dhaweyay si wanaagsana u gadmeen.

Halkaan ka daawo heesaha filmka Baazi ugu caansan:

Dhamaad…