Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Salman Khan Filmkiisa Jab Pyaar Kisise Hota Hota Hai Ee 20-ka Sano Kasoo Wareegatay!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Salman Khan Filmkiisa Jab Pyaar Kisise Hota Hota Hai Ee 20-ka Sano Kasoo Wareegatay!!

Jab Pyaar Kisise Hota Hai waa mid kamid ah aflaamta Salman Khan ee uu shaashada jaceyl kaga jilay waana fil guul wacan gaaray waxaana la daawaday maanta oo kale 20 sano kahor 22 May sanadkii 1998.

Filmkaan waxaa doorar wacan ku lahaayen jilaaysha kala ah Twinkle Khanna, Johnny Lever, Anupam Kher, Namrata Shirodkar iyo kuwa kale isagoo natiijadiisa Box-office-ka Semi Hit noqotay.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada filmkaan laga diiwaangaliyay oo aan idiin soo aruurinay:

Xaqiiqada 1aad: Intii mashruucan la duubayey Salman Khan iyo Twinkle Khanna wax wada hadal ah ma dhexmarin oo goobaha filmka lagu duubayey wax sheeko ah ama wada hadal kuma dhex marin waxaana la sheegay kaliya qof walba xiliga duubista laga rabo inuu goobta soo xaadirayey hadalaada ama oraahda loo sheego uu sidaas ku jilaayey.

Xaqiiqada 2ad: Waa filmka kaliya ee Namrta Shirodkar la sameysay abid Salman Khan iyo Twinkle Khan.

Xaqiiqada 3aad: Twinkle Khanna waa filmkaa kaliya ay kala soo muuqatay Salman Khan dib dambene ulama aysan shaqeynin xidigaan iyo Filmka Chal Mere Bhai oo ay muuqaal marti ah kulaheed.

Xaqiiqada 4aad: Jab Pyaar Kisise Hota Hai waxuu noqday mid kamid ah aflaamt Twinkle Khanna ee guusha wacan u gaaren ayadoo awalba aflaamteda iska yaraayen.

Xaqiiqada 5aad: Waa filmkii 6aad ee ay sameyso atirishada Twinkle Khanna ayadoo filmkaan kahor atirisho ka noqtay 5 film.

Xaqiiqada 6aad: filmkaan heesahiisa aad ayee u gadmeen xiligiisa waana mashruuc heeso ahaan iyo film ahaanba hirgalay si qaas ah heeska Pehli Pehli Baar Jab waxuu noqday hees caan waana heeska filmkiisa loogu luuqeynaayo.

Dhamaad…