Xaqiiqooyin U Gaar Ah Shahid Kapoor Filmka Sedex Gabdho Dhexda Gashteen Ee Dil Maange More!!

Dil Maange More( Qalbiga Wax Badan Ayuu Rabaa) waa film jaceyl ah kaaso ay wada jilayaan Shahid Kapoor, Soha Ali khan, Ayesha Takia, Tulip Joshi, Gulshan Grover iyo kuwa kale.

Filmkaan ganacsi ahaan Flop ayuu noqday sido kale waxaa Director ka ah Anant Mahadevan waxaana la daawaday maanta oo kale 31 Dec sanadkii 2004.

Halkaan Hoose Kaga Boo Xaqiiqada Filmkaan:

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan markii hore waxaa magac ahaan loo bixiyay  ” Yeh Dil Maange More” balse markii dambe ayaa ereyga ‘Yeh’ laga reebay oo waxaa loogu magac daray “Dil Maange More”

Xaqiiqada 2aad: Tusshar Kapoor ayaa markii hore la rabay inuu filmkaan hogaamiye ka noqdo balse markii dambe waxaa lagu bedelay Shahid Kapoor.

Xaqiiqada 3aad: Markii koowaad filmkaan magac ahaan waxaa loo bixiyay  ” Mohabbat Ki Kii Kiii”. balse markii dambe ayaa hadana loo bixiyay “Yeh Dil Maange More” ugu dambeynse waxa loo bixiyay magaciisa hader.

Xaqiiqada 4aad: Kareena Kapoor Khan ayaa door ku lahed filmkaan balse marke aragtay in Tusshar Kapoor laga saaray mashruucan iyadana wey isaga baxday waayo xiligaas Kareena Tusshar ayee aad u jecled inee la shaqeyso.

Xaqiiqada 5aad: Gabadha lagu magacaabo Raima Sen ayaa filmkaan la rabay inee door kulahaato balse doorkeda filmka waxaa lagu bedelay atirishada Tulip Joshi.

Xaqiiqada 6aad: Salman Khan Ayaa door laga siiyay filmkaan waliba doorka Gulshan Grover filmkaan ka cayaarayey ayaa Salman loo dhiibay balse wuu iska diiday xidigaan doorkas.

Xaqiiqada 7aad: Shah Rukh Khan ayaa la siiyay hadana doorka Gulshadn Grover kadib markuu Sallu iska diiday SRK isan wuu iska diiday doorkan waxaana ugu dambeyn calfaday Gulshan oo jilay.

Dhamaad….