Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah SRK Filmkisa Duplicate Ee 20-ka Sano Kasoo Wareegatay (+Video)

Xaqiiqooyin U Gaar Ah SRK Filmkisa Duplicate Ee 20-ka Sano Kasoo Wareegatay (+Video)

Duplicate waa film dagaal, shactiro iyo jaceyl isku dhexjiro ah waxaana wada jileen SRK oo labo waju kujilaayey filmka ayadoo ay atirishooyin ka ahaayen Juhi Chawla iyo Sonali Bendre.

Nasiib xumo mashruucan ganacsi ahaan wuu guul darestay isagoo noqday Flop balse bandhigay jilaayasha iyo habka ay daawadayaasha u madadaaliyen aad ayaa loola dhacay.

Halkaan kaga bogo xaqiiqooyin filmkaan laga diiwaan galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Yash Johar (Karan Johar aabihiisa ) oo filmkaan maalgaliyay waxuu goaansaday inuu duubista filmkaan dib u dhigo maadama xiligaas geeriyotay Juhi Chawla hooyaded Yash falkaas marku kudhaqaaqay qasaaro dhanka maalgalinta ayuu la kulmay SRK oo filmka hogaamiye ka ahaa ayaa mushaarkii heshiiska ahaa wax badan iska jaray.

SRK iyo Yash Johar dad isku dhow ayee ahaayen sida awged SRK mushaarkisa inta badan waa uu ka tanaasulay si uu qasaaraha oga kabto Yash.

Xaqiiqada 2aad: Doorkaa Sonali Bendre waxaa markii hore lala rabay atirishada reer koonfur ee Ramya Krishna balse Sonali ayaa calfatay doorkas.

Xaqiiqada 3aad: Kajol ayaa filmkaan muuqaal marti ah kuleh oo ay shaashada kula wadaageyso SRK waana xili ay tareenka ak joogan halkaan ka daawo.

Xaqiiqada 4aad: Filmkaan 2 sano ayuu dib u dhacay intii la iska daba wareeganayey howshiisa iyo duubitaankisaba waxaana ugu dambeyn la daawaday sanadkii 1998.

Xaqiiqada 5aad: Kadib filmka Gumrah Yash Johar waxuu markale filmkaan kula midoway Mahesh Bhatt oo ay wada sameyeen ayadoo Mahesh Director ka yahay labada film halka Yash-na qarash garenaayo.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii 5aad ee ay wada sameyeen Shah Rukh Khan iyo Juhi Chawla ayagoo horey usameyay filmada kala ah Darr, Raju Ban Gaya Gentleman, Yess Boss iyo Ram Jaane.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii labaad ee ay wada sameyeen Shah Rukh Khan iyo Sonali Bendre ayago horey u sameyay filmka English Babu Desi Mem.

Xaqiiqada 8aad: Heesaha filmkaan waa kuwa caan ah waxayna kamid yihiin heesihii ugu caansan 90-kii ayagoo si waali ah u gadmeen balse mashruuc ahaan filmka waa film guul darestay.

Xaqiiqada 9aad: Duplicate waa filmkii ugu horeyay ee Shah Rukh Khan labo waju ku jilay aad ayaana loogu amaanay waliba 90-maadki atoorayaasha labada waji kaga baxsadeen shaashada ayuu kamid noqday.

Xaqiiqada 10aad: Waa markii ugu horeysay ee uu SRK la shaqeyo shirkada Dharma Productions oo filmkaan iska leh inkastoo ganacsi ahaan guuldarestay filmkaan hadana filmkii xiga ee isla sanadkaan uu usameyay shirkadaan Kuch Kuch Hota Hai waxuu noqday All Time Blockbuster.

Halkaan Ka Daawo Heesaha Filmka Duplicate Ugu Caansan:

Dhamaad…

 

 

 

 

2 Responses to Xaqiiqooyin U Gaar Ah SRK Filmkisa Duplicate Ee 20-ka Sano Kasoo Wareegatay (+Video)

  1. Yasin Reply

    May 8, 2018 at 7:15 pm

    Yash johar amaa ka wadan hee?ileen yash chopra film kan Mel kama so galaane.

    • Ali Aadan Reply

      May 8, 2018 at 7:30 pm

      Dharma Productions ayaan kawadnay sxb waa runtaa Yash Chopra meelna kama soo galo mashruucan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *