Xaqiiqooyin U Gaar Ah Suniel Shetty Filmka Uu Bollywood Action Hero Ku Noqday Ee Anth!!

Anth waa mid kamid ah aflaamta Bollywoodka ugu wanaagsan qeybta Action-ka maadama mashruucan dagaal xiiso leh uu Suniel Shetty kusoo bandhigay.

Filmka waxaa wada jileen Suneil Shetty, Somy Ali, Paresh Rawal iyo jilayaal kale waxaana la daawaday maanta oo kale 10 june sanadkii 1994 isagoo darajo ahan noqday Semi Hit.

Halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyin u agaar ah filmka Anth intii laga diiwaan galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Waa filmkii labaad ee Suniel Shetty hogaamiye ka noqday kaasi oo guul gaaray isagoo noqday Semi Hit.

Xaqiiqada 2aad: Waa filmkii labaad ee Suniel Shetty hogaamiye ka noqday maadama filmkii kowaad ee uu hogaamiye ka noqday ahaa Balwaan kaaso uu kusoo caan baxay ilaa uu Anth kasameyo aflaamti u dhaxeysya Balwaan iyo Anth xidigo kale ayuu la hogaamiyey.

Xaqiiqada 3ad: Anth waa filmkii 5aad ee Suneil Shetty sameeyo ama shaashada kaga soo muuqdo maadama uu horey u sameyay afar film oo kala ah Balwaan, Waqt Hamara Hai, Pehchaan iyo Dilwale.

Xaqiiqad 4aad: Film Sameye Rohit Shetty hooyadiisa ayaa filmkaan wax ka jileyso waana mid kamid ah xaqiiqada filmkaan.

Xaqiiqada 5aad: Sanjay Khanna oo ah film sameye caan ah waqtigaan balse Anth waxuu noqday filmkii kowaad ee uu Director-kan sameeeyo.

Xaqiiqada 6aad: Somy Ali waxay ahed bilawgii 90-kii atirisho magac doon ah oo atoorayasha caanka ah jecel in ay la shaqeyso wareysi laga qaaday xiligaas waxay sheegtay in aysan xiiso u qabin la shaqeeynta atoorayashaa aan nuxurka laheen sida Suniel Shetty oo kale oo xiligaas Bollywoodka kucusbaa.

Somy waxay saxiixatay mashruuca Anth kadiban Suniel ayaa loo bandhigay mashruucan balse wuu diiday maadama uu horey oga xanaaqay hadalka nacasnimada ah ee ay atirishadan ku hadashay hadana markii in badan laga raali galiyay xidigaan wuu iska cafiyay wuuna la shaqeyay maadama uu xushmad weyn u hayey kooxda filmkaan oo in ka raali galiyeen khaladkii Somy.

Waxaa dhacday in Suniel mashruucan ku noqday Bollywood Action Hero sido kalena dooqa kowaad ee film sameyaasha noqday isagoo atooraha ugu mushaarka badan noqday aadbena oga qoomameysa hadalki kasoo yeeray Somy Ali oo filmkaan atirisho ka ahed.

Xaqiiqad 7aad: Akshay Kumar ayaa markii hore loo bandhigay filmkaan balse waqtigii uu duubi lahaa mashaariic kale ayuu ku mashquulsana sidaa awged wuu ka cudurdaartay sameenta filmkaan.

Dhamaad…

4 Comments

  1. wall waxan ku waydiiyay sunil shetty filimkiisa balwaan muxuu natiijo noqday ileen waxaad tidhi waa filimkii ugu horeyay ee sunil shetty hogaamiye kanoday kaasi oo guul gaadhay su.aashaydu waxay tahay filimka balwaan miyuu flob noqday thanks

    • Balwaan waan film guulestay sida loo badinaayo inkastoo xogtiisa 1992 tahay hadana waa film guulestay dib ayan u saxnay maqaalka walal

Comments are closed.