Home » Wararka Maanta » Xaqiiqooyin U Gaar Ah Tiger Shroff Filmka Uu Kusoo Caan Baxay Heropanti!!

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Tiger Shroff Filmka Uu Kusoo Caan Baxay Heropanti!!

Heropanti waa film Action ah oo la daawaday shalay oo kale 23 May sanadkii 2014 sido kalena Hit dhameestiran noqday waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Tiger Shroff iyo Kriti Sanon.

Filmkaan waa filmka ay kusoo caan baxeen hogaamiyaasha filmka sido kalena aqoonsi ku heleen, hadaba waxaan idiin kaga heynaa xaqiiqo laga diiwaan galiyay mashruucan.

Halkaan Hoose Kaga Bogo:

Xaqiiqada 1aad: Waa Filmka uu kusoo caan baxay Tiger Shroff kaaso maanta xidig weyn ah dhanka Action-kana looga haray.

Xaqiiqada 2aad: Kriti Sanon ayaa sido kale mashruucan kusoo caan baxday waana filmkeeda kowaad atirishadan.

Xaqiiqada 3aad: Tiger Shroff mudo 3 sano ah ayuu waqtigiisa ku lumiyay si uu tabobar culus usoo qaato asigoo usoo tabo baranaayey doorka filmkaan.

Xaqiiqada 4aad: Salman Khan waardiyihiisa qaaska ah Shera wiil uu dhalay ayaa la rabay in filmkaan lagu soo caan bixiyo balse Salman ayaa ku fikiray in doorkan Tiger ku wanaagsanyahay sidaas ayuuna Tiger ku sameyay.

Xaqiiqada 5aad: Tiger Shroff isaga ayaa sameyay dhamaan ficilada halista ah ee filmkaan lagu soo bandhigay qof kale m sameynin maadama inta badan atoorayaasha ficilada halista ah dad kale usameyaan kuwaaso lacag lagu siiyo.

Xaqiiqada 6aad: Waa dib usameynta filmka Telugu ah ee Parugu kaaso la daawaday sanadkii 2010 sido kalena ay hogaamiyaal ka ahaayen Allu Arjun iyo Prakash Raj.

Xaqiiqada 7aad: Prakash Raj Ayaa door muhiima ah kuleh filmkaan isagoo filmkaan qeybtiisa asalka ah ee Telugu sido kaledoor muhiim ah ku lahaa waxuuna la hogaamiyay Allu Arjun.

Xaqiiqad 8ad: Tiger Shroff waxuu filmkan ku qaatay abaal marino shrikado kala duwan siiyen kuwaaso lagu siiyay atooraha Bollywoodka kucusub midkiisa ugu wanaagsan iyo Super Star-ka mustaqbalka dhow abaal marin ah waxaana muuqata hader inuu darajad Super Star-nimo uu gaaraayo.

Xaqiiqada 9aad: Kriti Sanon ayaa filmkan ku qaadatay abaal marinta Filmfare qeybta atirishada Bollywoodka kucusub mida ugu wanaagsan.

Dhamaad…