Tamil Superstar Thala Ajith Kumar wuxuu si rasmi ah ugu dabaal dagay sanad guuradisa 49-aad asigoo baraha bulshada siweyn u heestay 24-ka saac ugu dambeesay wuxuuna Ajith dhashay 1 May 1971 wuxuuna ku dhashay magaalada Hyderabad. Haddaba xaqiiqooyin xiiso badan oo Ajith u gaar ah fadlan hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Ajith Kumar wuxuu ku dhashay magaalada Hyderabad ee xarun u ah Telugu wuxuuna sameeyay hal filim Telugu ah taariikh ahaan waana Prema Pustakam oo sanadii 1993 la daawaday kadibna fanka Tamil ee Kollywood ayuu soo aaday.

Xaqiiqada 2-aa: Ajith Kumar Af Tamil si wanaagsan uguma hadlin bilawgii waayihiisa fanka sidaa darteed saaxiibkiis Chiyaan Vikram ayaa u codeen jiray filimada Tamil-ka ah ee Ajith hogaamiye ka ahaa 90-maadkii.

Xaqiiqada 3-aad: Ajith Kumar wuxuu kasoo shaqeeyay warshad dharka soo saarto sidaa darteed dhanka ganacsiga ayuu marka kowaad shaqo ahaan ka bilaabay inta uusan noqonin jilaa.

Xaqiiqada 4-aad: Ajith Kumar wuxuu ku xeel dheer yahay wadista baabuurta iyo mootooyinka sidaa darteed tartamo kala duwan oo caalami ah ayuu ka qayb qaatay oo ah tartamada baabuurta iyo mootooyinka waa xirfad kale oo isaga u gaar ah.

Xaqiiqada 5-aad: Ajith Kumar gacanta bidix ayuu koobka shaaha ama galaaska biyaha ku cabaa inkastoo gacanta uu adeegsado midig tahay sababta uu sidaas u sameeyo ayaa ah inuu sheegay in dadka badankooda midigta adeegsadaan sidoo kalena ay yar yihiin dadka guran taasina ay ka dhigan tahay in bakteeriyada ama virus-ka ku dhici karo isaga yaraan karo kulamaa gacanta bidix uu wax ku cabo!

Xaqiiqada 6-aad: Ajith Kumar filimo waa weyn ayuu iska diiday oo inta badan Suriya magaca iyo maamuus ku yeeshay waxaana filimadaas ka mid ah Nandha, Ghajini iyo Khaaka Khaaka. Sidoo kale Ajith wuxuu iska diiday filimka Classic ah Naan Kadaval ee Arya magac weyn ku yeeshay iyo filimka Blockbuster-ka weyn noqday Sammy ee Chiyaan Vikram ku faano waxay ka dhigan tahay filimo Tamil-ka qaali ku ah inuu Superstar-kan iska diiday.

Xaqiiqada 7-aad: Ajith Kumar sanadii 2001 wuxuu kasoo muuqday Bollywood-ka asigoo door kooban ku lahaa filimkii Asoka ee SRK hogaamiye ka ahaa wuxuuna ku matalay SRK walaalkiis waana halka filim kaliya ee Bollywood ah ee uu kasoo muuqday.

Xaqiiqada 8-aad: Ajith Kumar waxaa u dhaxdo atirishada Shalini oo ay isla sameeyeen markii kowaad filimkii Amarkalam ee la daawaday sanadii 1999 waxayna lamaanahan is guursadeen April 2000 waxaana haatan laamanahan u joogaan labo caruur ah Anoushka oo dhalatay 2008 iyo Aadvik oo dhashay 2015.

Xaqiiqada 9-aad: Ajith Kumar wuxuu ku guuleestey sedex jeer atooraha ugu wanaagsan abaal marinta Filmfare Awards qaybta Tamil Nadu wuxuuna ku qaatay filimada Vaali (1999), Villain (2002) iyo Varalaru (2006). Sidoo kalena abaal marinta is maamulka Tamil Nadu bixiyaan ee loo yaqaan Tamil Nadi State Film Awards sedex jeer ayuu qaatay.

Xaqiiqada 10-aad: Ajith Kumar hantida uu heesto waxaa lagu sheegay inay tahay $45m sidoo kalena halkii filim wuxuu ku sameeyaa 25 Crore ($3.32m).

Dhamaad, waad ku mahad santahay aqrintaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here