Filimka sida weyn loo jecel yahay Gopi Kishan ee xidiga Action-ka looga haray hogaamiye ka ahaa Suniel Shetty ayaa daawashadiisa kasoo wareegatay 25-sano sidaa darteed waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin filimkan shactirada iyo Action-ka isku jiro ee aan daawashadiisa laga xiiso dhigeyn.

Jilaayaasha: Suniel Shetty, Shilpa Shirodkar, Karishma Kapoor, Suresh Oberoi, Aruna Irani, Mohan Joshi, Shammi, Satyendra Kagoor iyo Mushtaq Khan.

Director: Deepak Shivdasani

Waqtiga la daawaday: 2 December 1994

Natiijadiisa: Semi HIT (filim guuleestay)

Qiimeyntiisa sheekada IMDb Rating: 5.5/10

Xaqiiqada 1-aad: Gopi Kishan waa filimkii ugu horeeyay ee Suniel Shetty labo door ama labo waji ku matalo sidoo kalena waa filimkii ugu horeeyay Suniel uu door shactiro ah ku matalo.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkan waxaa Director ka ahaa Deepak Shivdasani balse markii uu 80% duubay waxaa dhacday inay isku dhaceen filim soo saaraha mashruucan Mukesh Duggal waana laga saaray Deepak Shivdasani filimkan sidaa darteed daawashada filimkan waxaad ku arki kartaa in Mukesh Duggal Director ka yahay oo isaga ayaa 20% harsanaa dhameestiray iskuna qoray inuu agaasimay.

Xaqiiqada 3-aad: Divya Bharti ayaa dooqa kowaad ahayd filimkan balse markii ay geeriyootay waxaa lagu badalay Karisma Kapoor.

Xaqiiqada 4-aad: Filimkan markii soo saare Mukesh Duggal  uu Suniel Shetty la saxiixanaayay sanadii 1992 wuxuu watay magaca Teer Kaman balse waa laga badalay oo Gopi Kishan ayaa loo bixiyay markii dambe.

Xaqiiqada 5-aad: Gopi Kishan sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil-ka ah Avasara Police 100 ee sanadii 1990 la daawaday waxaana hogaamiye ka ahaa M. G. Ramachandran wuxuuna ku matalay labo door.

Xaqiiqada 6-aad: Labada muusigiiste ee aan kala harin Anand-Milind iyo laxamiiste Samiir ayaa filimkan ku midoobeen wuxuuna Album-kiisa noqday mid Classic ah oo ilaa maantadan la xiiseeyo weliba heesaha filimkan “Hai Huku”, “Yeh Ishq Hai Kya” iyo “Batti Na Bujha” waxay noqdeen kuwo siweyn loo xiiseen jiray xiligaas sidoo kalena sanadii 1994 Albums-ka loogu iibsashada badnaa ayuu filimkan ka mid noqday.

Fadlan hoos ka daawo heesaha filimkan ee sida weyn u hirgaleen waa hubaal xasuus hore inaad gali doontid:

Hai Huku waxaa ku luqeeyeen Kumar Sanu iyo Poornima:

Yeh Ishq Hai Kya waxaa ku luqeeyeen Kumar Sanu iyo Alka Yagnik

Batti Na Bujha waxaa ku luqeeneyso Poornima

Chhatri Na Khol Barsaat Me waxaa ku luqeenayaan Kumar Sanu, Poornima

Mera Mehboob Aayega waxaa ku luqeenayaan Arun Bakshi, Poornima

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here