maanta oo kale sanadkii 2003 waxaa la daawaday filimka Zameen kaaso so weyn sheekadiisa loo amaanay waxaana hogaamiye ka ahaayeen Ajay Devdan , Abishek Bachchan iyp Bipasha Basu

Director: Rohit Shetty

Soo saare: N.R. Pachisia

Jilaayaasha: Ajay Devgn, Abhishek Bachchan iyo Bipasha Basu.

Xiliga la daawaday: 26 Sep 2003

Natiijadiisa: Below Average (Filim guul dareestay oo 40% ilaa 50% lacagta lagu iibsaday soo celiyay).

Qiimeynta fariintiisa: 5.3/10 IMDb Rating.

 Xaqiiqada 1-aad: Zameen micno ahaan waxaa laga wadaa ‘Dhul’ waana filimkii ugu horeeyay ee Rohit Shetty Director ka noqday.

Xaqiiqada 2-aad: Zameen sheeko ahaan waxaa lagu saleeyay diyaaradii Hindiya (Indian Airlines Flight 814) ee sanadii 1999 la afduubtay.

Xaqiiqada 3-aad: Zameen waa filimkii ugu horeeyay Ajay Devgan iyo Abhisheik Bachchan wada sameeyaan.

 Xaqiiqada 4-aad: Sanadii 1987 Director Ramesh Sippy ayaa sameeyay filim lagu magacaabo Zameen oo ay wada jileen Vinod Khanna, Rajnikanth, Sanjay Dutt, Sridevi, Madhuri Dixit, Nana Patekar balse wuxuu noqday mashruuc meel la iska dhigay.

Xaqiiqada 5-aad: Isla sanadii 1987 Directo Mahesh Bhatt ayaa sameeyay filim Zameen la dhaho oo ay wada jileen Hema Malini, Kabir Bedi, Anupam Kher, Brando Bakshi, Kushboo laakiin wuxuu noqday mashruuc meel la iska dhigay oo aan soo bixin.

 Xaqiiqada 6-aad: Filimka Zameen maalinta kowaad wuxuu keenay 1.45 Crore asigoo laga daawaday 350 tiyaatar wuxuuna noqday filimka 8-aad ee ugu bilaabashada wanaagsanaa sanadii 2003.

Xaqiiqada 7-aad: Zameen waa filimkii 10-aad oo xariir ah oo Abhishek Bachchan Flop ka noqdo waayo filimkiisii kowaad Refugee marka uu Average noqday wixii ka dambeeyay uu sameeyay ilaa Zameen laga soo gaaro toban guuldaro xariir ah ayuu isku xijiyay.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here