Home » Wararka Maanta » Xaqiiqoyin U Gaar Ah Filmka Kangana Ranaut Ku Faanto Ee Queen

Xaqiiqoyin U Gaar Ah Filmka Kangana Ranaut Ku Faanto Ee Queen

Queen waxaa la daawaday maanta oo kale waana film guul wacan ka gaaray BOI maadma uu noqday Hit weyn waxaana Kangana kula weheliyeen Rajkumar Rao iyo Lisa Haydon.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqoyin u gaar ah mashruucan oo inta badan dadka aysan ka warqabin si aad oga bogoto halkaan hoose ka akhriso:

Xaqiiqada 1aad: Filmkaan si layaab leh ayuu Hit ku noqday ayadoo xiligaas xidig ahaan kaliya yay kujirtay Kangana Ranaut mana jirin xidigo waaweyn oo Kangana filmka la hogaaminayen marka laga reebo jilaaga hader soo karaar qaadanayo ee Rajkumar Rao sidaa awged Kangana awoodeda iyo qaab jiliinkeda aye filmka ku gaday.

Xaqiiqada 2aad: Kangana Ranaut bandhigeda cajiibka ah ee filmkaan waxay ku hanatay abaal marinta National Film Award qeybta atirishada ugu wanaagsan taaso ay dowlada India bixiso waana abaal marin jilaa walba ku riyoodo.

Xaqiiqada 3aad: FIlmkaan waxuu ku guulestay 6 abaal marin oo Filmfare Awards ah waxayna kala yihiin Best Directr, Best Actress, Best Film, Best Editing, Best Background Scrore iyo Best Cinematography.

Xaqiiqada 5aad: Kangana Ranaut kama aysan qeyb galin xaflada abaal marinta Filmfare ee lagu gudoon siin lahaa atirishada ugu wanaagsan sidaa awged Director-ka Filmka Bahl ayaa usoo qaaday ayadoo ay Rekha gudoonsisay.

Waxaa xusid mudan Rekha bandhiga Kangana kahelitaanke ka heshay waxuu kalifay heer Rekha dhahdo gurigeeda ayaan abaal marinta ugu geenaya balse Director Bahl ayaa kala wareegay oo usoo qaaday xidigtaan abaal marinta.

Xaqiiqada 6aad: Atirishada Kareena Kapoor Khan ayaa loo bandhigay doorka Rani ee hogaaminta filmka balse wey iska diiday xidigtaan waxaana qaadatay Kangana oo wacdaro taariikhi ah ku dhigtay.

Xaqiiqada 7aad: Waa filmkii labaad ee ay Kangana ku hesho abaal marinta National Film Award maadama ay hada kahor ku heshay atirisho caawisoda ugu wanaagsan abaal marin ah filmka Fashion.

Dhamaad…