Xariif Ayaa Hada Kahor Saif Ali khan Weydiyay Inuu Sariirta La Seexdo Iyo Sheekada Oo Faah Faahsan!

Saif Ali Khan waa mid kamid ah atoorayaasha Madadaalada looga haray waligiisna qaab jiliinkisa waxuu u badnaa madadaalo xitaa haduu shaashada jaceyl ku jilaayo.

Jilaagan magaca weyn ayaa hada kahor sheeka naga qarsooneyd daaha ka qaaday taaso ah in hada kahor xariif ka dalbaday inuu sariirta la seexdo maadama uu aad u qurux badanyahay.

Sheekadan waa hore uu Saif daaha ka qaaday waxaa maanta dib usoo daawacday shabada Bollywoodlife waxana sheegay Saif sida tan,” waxaan dhiganaayey iskuul ku yaala magaalada London sida guudna iskuuladka qaar ardayda meel ay seexdan aye leeyihiin.”

“Sifiican ayaan u xasuusta waxaan xiligaas jiray 11 sano xariif Italian ah ayaan isku qol jiifanenay iyo arday kaleba balse qof walba sariir gooni ah ayuu seexanaayey xariifkan muuqaalkeyga ayaa cajabiyay markaas ayuu ii yimid iguna dhahay ‘Waxad tahay wiil qurux badan kaalay aan sariirteyda wada seexane’ aniga wax kale ma sameynin waan iska ooyay maadama aan yaraa.”

“Balse xariifkas waxuu marki dambe iishegay inuu iska kaftamaayey oo hadal uu iska cayaarayaey ahed waan isku naxsanaa markii hore balse markii dambe waan isdajiyay.”

Saif nasiib ayuu lahaa hadiiba xariifkas uu sheegay in uu iska kaftamaayey hadal u iska dhahayna ahed dhanka kale sheekadan markuu ka sheekeynaayey Saif jilaayal badan oo magacyadooda la sheegin ayaa ak fadhiyeen kuwaaso qosolka ka dhamaaden sida Bollywoodlife sheegtay…