Xasuus Hore Dagaalkii Kareena Iyo Bipasha Dhex Maray Iyo Kareena Oo Tiri,”Bipasha Inee Igu Caan Baxde Rabtaa”

Kareena Kapoor Khan iyo Bipasha Basu bilawgii qarnigaan xifaaltan ayaa ka dhaxeen jiray waxayna ahaayen atirishooyin fanka kucusub ayagoo isla sameeyen filmkii caanka ahaa Ajnabee ee la daawaday sanadkii 2001.

Maadama ay wada cusbaayen xidigahan si ayeeba isku necbaayen markii ay wada duubayen filmka Ajnabe khilaafkodana waxuu bilaawday markii Kareena ninkii u shaqenaayey ee u xilsaarna dhanka hagaajinta dharka iyo Make-up-ka uu howl u qabtay Bipasha.

Bipasha ayaa caawin u baahned Vikram Phadnis isagoo wax fasax ah ka heesan Kareena ayuu howl u qabtay Bipasha midaas ayaan ka careysiisay Kareena goobtana buuq ka kicisay heer ay dharbaaxdo Bipasha sida la sheegay.

Bipasha oo ka cawaneysa waxay hada kahor wareysi ku tiri,”waligey dambe lama shaqeen doono Kareena waa qof aan dabeecad laheen waxyar ayee ka xanaaqe uma maleenenin inee sidaas dhan oga xanaaqesyo diyaariyaha ama naqshadeeyaha dharkeeda oo I caawiyay halmar mana ka fileen inee ila dagaaleyso,”

Bebo oo ah shaqsi aan hadal laga hoos bixin Karin ayaa Filmfare wareysi siisay 2002 xili Ajnabee la daawaday waxaana lagu soo magac qaaday Bipasha dagaalkii dhexmaray iyo wareysiyada Bipasha bixisay  waxay Kareena tiri.

“Waxay u muuqata qof aan ku kalsoonen waxtarkeeda iyo qibradeeda sidaa aawged ayee iiga maseertay misane naqshadeeyaheyga dharka u dalbatay ayadoo shaqaalo badan oo u adeego heesato ma garanaayo kalsooni darada kujirtay may ku kalsoonato waxeeda iyo Make-up-keda iyo waliba dharkeeda habka loogu diyaarinaayo.”

“Maxaa daba dhigay naqshadeyda mida kale meelwalba waxay ku leedahay Kareena ayaa ila dagaashay wey I aflagaadeysa iyo wax yaabo lamid ah xaqiiq ahaan tan inee igu caan baxdee rabtaa waxkale ma rabto ileen waa magac raadise.”

Xurguftii xidigahan hader wey soo idlaatay mudo sanado badan ayaana kasoo wareegtay xiligii ay isku taagnaan jireen hader inkastoo qofba qofka kale ka gaabsado wax wada shaqeena dhexmarin hadana goobaha xafladaha hadee ku kulmaan isma inkiraan…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*